Dhaqangalka xubno loo dhaariyey gole degaan oo la hakiyey

Image
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa go'aankan soo saartey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland waxay joojisay dhaqangalka xubno loo dhaariyey Golaha Degaanka Degmada Buuhoodle uuna dhaariyey guddoomiyaha golaha.

Talaabadan ayay sheegtay in ay ku dhaqaaqdey iyadoo fulinaysa waajibaadka ka saaran ilaalinta hannaanka dowliga ah ee Degmooyinka iyo sifooyinka sharci ee ay ku yimaadaan Goleyaasha Deegaanka.

Xubnaha ay wasaaradda hakisay sharciyadooda ayaa la sheegay in dhowaan loo dhaariyey ka mid noqoshada Golaha Deegaanka Degmada Buuhoodle ee Gobolka Cayn.

Sida ku xusan qoraalka wasaaradda, hakinta waxay salka ku haysa "maaddaama aan  loo marin sifo sharci xubnaha maanta la dhaariyey ee lagu siyaadiyey Golaha Deegaanka Degmada Buuhoodle".

Dhanka kale, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Cabdiweli Mire Xirsi, ayaa soo xiray Kalfadhiga 13aad ee Golaha Deegaanka Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Kalfadhiga 13aad ee Golaha Deegaanka Degmada Badhan intii uu socday waxaa looga hadlay qodabadaan hoos ku xusan.

1) Xoojinta amniga Degmada iyo deegaanada hoostaga

2) Dardargelinta canshuuraha Dowladda Hoose ee Degmada Badhan

3) Kor u qaadidda nadaafadda iyo bilicda Degmada Badhan

4) Diwaangelinta iyo tirakoobka guryaha magaalada

5) Hagaajinta iyo naqshaydaynta qorshaha Degmada

6) Ansixinta miisaaniyadda dowladda Hoose ee Sanadka Cusub 2022

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASAARADDA

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM