Doonista wiil uu dhalay Deni oo loo eryay agaasime guud

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xasan ayaa dhawaan shaqada ka joojiyay Agaasimihii Guud ee wasaarada caafimaadka Puntland, Cabdirisaaq Xirsi Xasan, sidda warsidaha GO ogaaday.

Talaabadan ayaa, sidda ay xaqiijinayaan macluumaad lagu kalsoonaan karo, waxay ka dambeysay kadib markii "uu is hortaag ku sameeyay doonista qoyska madaxweynaha".

Wiilka hogaamiyaha Puntland ee Cabdulaahi Siciid Deni ayaa "doonaya in uu qayb ka helo adeegyada uu bixinayo mashruuca Damal oo afarta sano ee soo socota laga fulin doono gobolka Nugaal".

Mashruuca Damal oo si tijaabo ah looga fulinayo afarta sano ee soo socota gobolka Nugaal ayaa taageero siin doona xarumaha caafimaadka guud iyo isbitaalada.

Mashruucaan oo uu taageerayo Bangiga Aduunka ayaa waxaa kale ee laga fulinayaa gobolada Hiiraan, Bakool iyo Bay kuwaas oo aan horey isbitaaladooda adeegyo caafimaad u haysan ayaa qoyska Deni doonayaan in qeybta Puntland u weeciyaan degaanada ay doorashada ka galayaan.

Maxamed Xidig oo uu adeer u yahay Deni horeyna u ahaa agaasimaha qorsheynta wasaarada caafimaadka Puntland ayaa wasiirka caafimaadka Puntland uu u magacaabay sii hayaha agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland.

Magacaabista Xidig ayaa khubarada wasaaradda Caafimaadka Puntland mid kamid ah uu Garowe Online u sheegay in ay ka dhigan tahay "Waxaa la doonayaa in laga sameeyo sidii la doono mashruuca Damal oo agaasimihii guud uu diiday in uu taladiisa go'aamiyo wiilka madaxweynaha".

Qoyska madaxweyne Deni ayaa marar kala duwan lagu eedeeyay in ay faraha kula jiraan ilaha dhaqaalaha ee Puntland iyada oo warbaahinta ay dhawr mar la hadleen dadwayne ka cabanaya arintaas.

Dhawaan ayay ahayd markii ganacsatada qaadka ee magaalooyinka Garowe iyo Qardho ay cabasho ku muujiyeen xubno ku dhaw madaxweynaha oo la siiyay iibka qaadka iyaga oo kula tartamaya awoodii dowlada Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM