Dowlada Puntland oo codsi muhiim ah u dirtey shacabka

Image
Image
Image
Dalabkan ayaa la xiriira bixinta canshuuraha "si loo dardargeliyo shaqadda dowladda".

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Xassan Shire Cabdi, ayaa kormeeray dhismaha cusub ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka.

Dhismahan, oo socday bilihii u dambeeyay ayaa meel wanaagsan maraya, waxana Wasiirka xog-dheeri ah ka siiyay madaxda shirkada wada dhismahan.

Xasan Shire oo ay wehliyeen mas'uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda ayaa wuxuu bogaadiyay shaqada socota waxana uu booqday qeybaha kore ee dhismaha.

Dhismahan, oo ka kooban sadex dabaq ayaa horay waxaa u dhagax-dhigay Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wahelyo Wasiirka Maaliyada.

Wasiirka, ayaa Bulshada reer Puntland ugu baaqay in ay Cashuurta bixiyaan si dowladdu u gudato waajibaadkeeda shaqo. Kharashaadka dhismahan ku baxaya waxaa bixinaya Dowladda Puntland.

Lacagtan ayaa waxaa lagu sheegay cashuurtii laga qaaday shacabka oo dib loogu soo ceshay iyadoo lagu fulinayo mashaariic ballaaran oo ka qeyb qaadanaya horumarka ka socda Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM