Dowlada Puntland oo ka hadashay is-casilaada hogaanka TPEC

Image
TPEC ayaa dhowaan waxay ku guuleysatay in ay si horudhac ah u qabato doorashooyin qof iyo cod .

GAROWE, Puntland - Is-casilaadda madaxda guddiga ku meelgaarka doorashooyinka Puntland ma saameyneyso hadafka hirgelinta hanaanka xisbiayda badan, sidda ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha.

Wasaaradda ayaa war-saxaafadeed rasmi ah waxay ku caddeysay "in geeddi-socodka Dimuqraadiyeynta Puntland yahay hadaf ku dhisan heshiis bulsho, Dowladdana u idmantahay ka guul gaarista hirgelintiisa".

"Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyadoo ka xun iscasilaadda Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka Guddiga Doorashooyinka Kumeelgaarka ah ee Puntland (TPEC), waxay Ummadda Puntland, guud ahaan Soomaali iyo Daneeyaasha Barnaamijka Dimuqraadiyeynta Puntlandba u caddeynaysaa in Geeddi socodka Dimuqraadiyeynta Puntland uu yahay hadaf ku dhisan heshiis bulsho, Dowladda Puntlandna u idmantahay ka guul gaarista hirgelintiisa," ayay tiri.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeedkan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, dowladda Puntland waxaa wali ka go'an in ay dhameystirto hanaanka awooda loogu celinayo shacabka.

"Sidaa darteed, iscasilaadda Madaxda Guddiga Doorashooyinka ma ahan mid saameynaysa ka go'naashaha dadka iyo Dowladda Puntland in laga guul gaaro hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod," ayay xustey.

TPEC ayaa dhowaan waxay ku guuleysatay in ay si horudhac ah u qabato doorashooyin qof iyo cod oo ka qabsoomay saddex degmo kuwaasoo ay ku tartameen ururo siyaasadeed.

"Wasaaradda Arrimaha Gudaha waxay Guddoomiye Guuleed Saalax, Kuxigeenkiisa Jaama iyo dhammaan Xubnaha Guddigaba uga mahad celinaysaa hawl karnimadii horseeday qabsoomidda doorashooyinkii horudhaca ahaa ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl. Qorshaha dhammeystirka Doorashooyinka Degmooyinka dhiman wuxuu u soconayaa sidii loogu talo galay inshaAllaah," ayay kusoo xirtey.

Puntland oo horay hormuud ugu noqotay federaalka haatan ka hanaqaadey Soomaaliya ayaa mar kale waxay diyaar u tahay in ay bog cusub u qorto taariikhda ayna dardargeliso doorashooyinka tooska ah ee qof iyo codka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM