Dr.Gaas oo mashruucyo horay u socday dhagax dhigay

Image

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali ayaa maanta oo khamiis ah 31.July.2014 waxa uu dhagax dhigay mashruucyo lagu dhisayo wadooyin hor leh oo ku yaala xaafadaha Wadajir iyo Waabari iyo waliba Wadada Meeraysana ee gasha jidka sodanka.

Dr.Gaas ayaa ugu horayntii dhagax dhigay wado laami noqonaysa oo mari doonta xaafadaha Wadajir iyo Waabar iyadoona madaxda mamulka dowladda hoose ee magalada Gatowe ay sheegeen wadadan inay mar ahaan jirtay tan kaliya ee la isticmaali jiray.

Sidoo kale madaxwayne Gaas ayaa soo dhagax dhigay wadada isku xiri doonto Meeraysanea iyo Jidka Sodanka kuwaasoo horay dowladdii Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole u qorshaysay inay dhisto balse xili doorasho la galay.

Sidoo kale Jidka Sodanka oo ay dhaqaalaha ku baxaya dhismaheedu bixinaysao Hay'adda DAI ayuu madaxwayne Gaas oo dhagax dhigay wuxuna furay Aargo cusub oo ay dowladda hoose horteeda laga dhisay taasoo ka qayb qaadanaysa bilicda magalo madaxda Puntland.

Meelaha kale uu madaxwayne Gaas soo furay waxaa ka mid ahaa tarabuun loogu talo galay in maalinta barito ah laga jeediyo khudbadaha Kowda Agoosto waxana maalgalisay Shirkadda isgaarsiinta Golis Puntland.

Isaga iyo masuuliyiin u hoggaaminayo Cabdiwali Cali Gaas ayaa saakay aaday Buundada Midigar taasoo uu soo furay isla markasna ay dhismaheeda uu heer gabo-gabo uu marayo.

Dhamaan wadooyinkan uu Gaas saako dhagax dhigay ayaa waxaa inay hirgasho suurta galisay dowladdii hore ee uu madaxda ka ahaa Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM