Duqa Boosaaso: Ciidanka Gorgor baa ka dagaalamaya magaalada

Image

BOOSAASO, Puntland - Cabdiqani Axmed Ismaaciil Deera-dile, oo ah duqa Boosaaso ayaa ku eedeeyay Ciidanka Turkiga uu tababarey ee Gor-Gor oo dowladda Soomaaliya leedahay inay ka qeyb qaadanayaan dagaalka magaaladda ka qarxay oo hub culus la isku adeegsanayo.

Isagoo la hadlayay warbaahinta, ayaa sheegay in Askarta Gor-Gor ay caawinayaan Maxamuud Cismaan Diyaano, oo ah agaasimaha xilka laga qaadey ee PSF-ta, kaasoo wali ku sugan xarunta hay'adda la dagaalanka Puntland.

Duqa Boosaaso ayaa intaasi ku daray in dowladda uu ka dhamaadey qulqaadkii, islamarkaana ay gacan bir ah ku qabaneyso kuwa nabad diidka ah, ee magaaladda dadkeeda barakinaya iyo kuwa caawinaya, ee uga yimid Muqdisho sida uu hadalka u dhigay.

“Meelaha ay joogaan ayaa loogu tagayaa, hal guri ayay ku jiraan oo ka dagaalamayaan, hoobiyayaal ayay meel walba ku rideen, dhibaatada ay shacabka u geystaan waxaa masuul ka ah kooxda amardiidka ah” ayuu yiri C/qani.

C/qani ayaa ku eedeeyay Ciidanka ku sugan Xarunta PSF in magaaladda hoobiyeyaal ku garaaceen intii uu socday dagaalka Maanta yimid kadib markii ay natiijo la'aan kusoo dhamaadeen dadaalladii xalka loogu raadinayay xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii 24-kii bishii lasoo dhaafey Deni ku sameeyay Maxamuud Cismaan Diyaano.

Dagaalka Maanta ayaa xoogiisa ka dhacay xaafadda Ridwaan iyo nawaaxiga Dekadda, iyadoo dhowr qof ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo la dhigay Isbitaallada. Waxaa sidoo kale jira barakac ay dadka qaar sameynayaan.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan jawaabin eeda loo jeediyay ee ah in Ciidankeeda qeyb ka yihiin dagaalka Boosaaso.

Ciidanka daacada u ah agaasimaha xilka laga qaadey ee PSF ayaa la sheegay inay la wareegeen gaadiid dagaal oo ay leeyihiin askarta dowladda Puntland, ee isku dayaya inay si xoog ah ula wareegaan taliska PSF.

Madaxweyne Deni ayaa ka maqan Puntland xili dagaal uu socdo, waxaana colaadda Boosaaso noqonaysaa mid kusoo beegantay xili doorasho, oo xasaasi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM