Fahfaahin: Dagaal ka socda duleedka Caasimada Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Dagaal culus oo u dhaxeeya labo Malleeshiya beeleed, ayaa ka billowday Maanta duleedka Caasimadda Puntland, ee Garowe.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in dagaalka uu xoogiisa ka dhacayo tuulada Saax-maygaag, waxaana inta la xaqiijiyay illaa hadda ku dhimatay lix qof, iyadoo 15 kale ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa qarxay markii xal laga gaari waayay muran ka taagnaa nidaamka degaamaynta Tuulooyinka Saax-maygaag iyo Senga-jebiye oo dhaca xadka goboladda Sool iyo Nugaal.

Colaadda waxaa laga dareemay degmada Boocame, oo katirsan G/Sool iyo degaanka Birta dheer oo Gobolka Nugaal katirsan, waxaana ku barakacay colaadda qoysas badan xili gobolka abaar iyo xaalad bini'aadanimo ka jirto.

Ma jirto dhex-dhexaadin laga dhex waddo labada Beelood oo mudo sanado ah ku dagaallamayay degaankaas Saax-maygaag. Sidoo kale, mas'uuliyiinta dowladda Puntland kama aysan hadlin colaadda soo cusboonaatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM