Gaalkacyo: Hub sharci darro ah oo gacanta lagu dhigay

Image
Image
Image
Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa Bulshada uga digay qaadashada hubka, isticmaalka Maandooriyaha iyo dhaca Shacabka.

GAALKACYO, Puntland - Gudoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur, ayaa ka qayb galay Munaasibad lagu soo bandhigayey Qaar kamida noocyada Hubka oo lagu soo qab-qabtay Howlgalada Laamaha Amniga Gobolka Mudug ay sameeyeen

Munaasibadan waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka Gobolka, Gudoomiyaha Degmada, Taliyaha Qaybta, Gudoomiyayaasha Maxkamada Darajada 1aad iyo Racfaan, Xeerl ilaalinta, Taliyaha Saldhiga dhexe, Agaasimaha Warfafinta Gobolka, Saraakiil iyo Culimo, Hubkan oo isugu jiray Qoryaha Fudud, Kuwa garabka laga rido iyo Bambooyin ayaa lagu qabtay Howlada la dagaalanka maandooriyaha iyo Tuugada Dhaca Bulshada.

Cabdiladiif Muuse Nuur oo ka hadlay munaasibada ay warbaahinta goobjooga ka ahayd ayaa Bulshada uga digay qaadashada hubka, isticmaalka Maandooriyaha iyo dhaca Shacabka.

Nuur ayaa sheegay intaas oo mar-xaladood in loo aqoonsanyahay Argagixisada iyo cid kasta oo lagu arko, Gudoomiyaha ayaa Shacabka faray in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga.

"Waxaan ka qayb galay Munaasibad lagu soo bandhigayey Qaar kamida noocyada Hubka oo lagu soo qab-qabtay Howlgalada Laamaha Amniga Gobolka Mudug ay sameeyeen, Hubkan oo isugu jiray Qoryaha Fudud, Kuwa garabka laga rido iyo Bambooyin ayaa lagu qabtay Howlada la dagaalanka maandooriyaha iyo Tuugada Dhaca Bulshada," ayuu ku qoray Facebook-giisa.

Wuxuu ku daray: "Waxaan dadka caadaystay uga digaynaa qaadashada hubka, isticmaalka Maandooriyaha iyo dhaca Shacabka dadka intaas sameeya waxaan u aqoon sanahay Argagixisada Alshabaab iyo dadka uu Mujrimka Cali dheera xukumo, shacabka Magalada Gaalkacyo waxaan faraynaa in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM