Gallan oo shaaciyey sababta loo bedelay agaasinka PSF

Image
Wasiirka amniga Puntland ayaa hogaankii hore ku booriyey "in aysan qaadin dhalinyaranimo".

BOOSAASO, Puntland - Wasiirka amniga Puntland ayaa Boosaaso ka sheegay in ay ka go'an tahay dhaqan-gelinta wareegtada madaxwayne Deni isbedelka ugu sameeyay agaasinka hay'adda Puntland Security Force.

Cabdisamad Gallan ayaa hogaankii hore ku booriyey "in aysan qaadin dhalinyaranimo". Ciidanka ayuu ku tartarsiiyey in ay ka amar-qaataan taliyaha cusub, in ay ku nagaadaan xeryahooda iyo ilaalinta hantida hay'adda.

"Dhamaan ciidamada PSF ee Boosaaso jooga waxa la farayaa in aysan xerada kasoo bixin, gadiidkana sidoo kale, xilku waa meerto, Maxamuud Cismaan waxaan leeyahay yaan dhalinyaranimo ku qaadin, anagu waxaan u dhaaranay difaaca Puntland, cidna ka yeeli mayno in ay Amniga Khalkhal geliso," ayuu hoosta ka xariiqay wasiir Gallan.

PSF oo tirro ahaan lagu qiyaaso 4,000 illaa 5,000 ayaa tababaridooda iyo qalabeyntooda waxaa Puntland ka caawiya Mareykanka. Hay'addan waxay laf-dhabar u tahay ololaha ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

Dhinaciisa, taliyaha ciidamadda Daraawiishta Puntland, Jeneraal Yaasiin Cumar oo kasoo muuqdey shirka jaraa'id, ayaa cod dheer wuxuu kaga digay in la kooxeeyo ama la shaqsiyadeeyo ciidamadda ammaanka.

"Ciidanka PSF waa ciidan sumcad leh, mana ah kuwa qof iyo koox yeelan karaan, waa nasiib daro in ciidankii laga soo saaro furihimii, waxaana Maxamuud Cismaan iyo Asad Cismaan oo arintaan saamayn ku leh leenahay xukun laguma hellayo jabhadayn, ciidan aruursi," ayuu yiri.

Sida laga soo xigtey Gallan, dowlada Puntland ayaa u garow-satay isbedelka hogaanka PSF markii ay soo baxeen daldaloolo la xiriira in ciidanku waayeen xuquuqda dalacsiinta, awood sheegasho iyo eryida qof aan mudneyn.

"Waxaan rajeynaynaa in agaasinka cusub uu sixi doono daldalooda badan ee jiray, waxaana rajeynaynaa in xabadeena ay hal dhinac u wada jeesato oo ah la dagaalanka cadowga iyo argagixisada," ayuu Gallan kusoo xiray.

Laba casho kahor ayay ahayd markii madaxwayne Deni uu Sareeye Guuto Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Kheyr uu u magacaabay agaasimaha cusub ee hay'adda PSF isaga oo bedelaya Maxamuud Cismaan Diyaano.

Hogaanka la bedelay ee PSF oo adeegsanaya ciwaanadda baraha bulshadda ayaa kasoo horjeesatay xil ka qaadistan waxaana uu jiida hore ee la dagaalanka Al-Shabaab kasoo saarey ciidamo isuguna keenay Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM