Garowe: Ciidamada ammaanka oo amar la dul-dhigay

Image
Image
Image
Shaqsiyaadka isku haya colaad beeledyada ayaa sidoo kale waxaa loo diray digniin.

GAROWE, Puntland - Taliyaha Qaybta Booliska gobalka Nugaal G/Sare, Xussen Cali Maxamuud, ayaa ciidamada sugaya amniga Caasumada kula hadlay saldhiga dhexe ee Garowe.

Kormeerkan oo ahaa mid aan horay loosii qorsheyn ayaa taliyaha waxaa ku wehliyey gudomiyaha gobalka Nugaal, Taliye ku xigeenka qaybta iyo sarakiil Kale

Gaashaanle Sarre Maxamuud ayaa ciidamada kula dardaarmay inay adkeeyaan amniga magaaladda bulshadana si wanaagsan ula shaqeyaan oo ay u dhimriyaan.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sido kale wuxuu ciidamada ku tartarsiiyey inay xoojiyaan la-dagaalanka mandooriyaha oo bulshadda sameyn wayn u gaystay.

Dhanka kale, taliyaha ayaa sheegay inay jiraan dad ka faa'idaysanaya dirirta beelaha walaalaha ah ku dhexmartay oo raba inay magaaakada Ka Dhex abuuran khal-khal galin amni.

"Shaqsiyaadkaas waxaan ku haynaa il gaar ah. Waqtigii ay noqotaba waxaan ka qaadi doonaa talaabo rasmi ah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay taliye Xussen Cali Maxamuud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM