GAROWE: Khudbadihii Jimcaha oo looga hadlay xiisadda siyaasadeed ee Puntland

Image

Garowe, (GO)- Masaajidada magaalada Garowe ayaa khudbadii jimcaha looga hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Puntland kuna saabsan doorashooyinka baarlamaanka,   madaxweynaha iyo hanaanka dimuquraadiyada lagu muran san yahay ee Puntland. 

Khudbadaha laga akhriyey Masaajidada ayaa laga digay In dantii guud loogu qariyo dan gaar ah, waxayna Culumadu ku baaqeen in lagu dadaalo amniga, wanaagga iyo barwaaqada shacabka. 

Khudbad laga jeediyey Masaajidka Xaaji Cali ee ku yaala Magaalada Garowe ayaa looga hadlay ahmiyada ay leedahay in madaxadu ka shaqeyaan danta guud, iyo in laga taliyo Maslaxadda shacabka.

Sheikh Maxamuud Xaaji Yusuf ayaa yiri: “Xilka saaran dadka madaxda ah waa in ay dadka diintoodii ay u ilaaliyaan iyo in dadka aduunkoodii lagu maamulo sida ugu haboon.”

Mar uu ka hadlay shaqaaqadii  ka dhacdey caasimada Garowe, Sheikh Maxamuud Xaaji ayaa ku sheegay in maanta laga qaxo magaaalada sabab u tahay caqli xumo, diin xumo, iyo siyaasad xumo.

Baaqan ka imaanaya cullimada diinta, Issimada, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland ayaa waxaa dhagaha ka xirtey Madaxweynaha muddo xileedkiisu Shanta bilood ka harey oo damacsan inuu dastuurka Puntland firitaankiisa u maro muddo kororsi sharci daro ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM