Golaha Wasiiradda Puntland oo meelmariyey xeerar cusub

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Ansixinta Xeerka Daroogada, xaaladda Covid-19 ee deegaanada Puntland, Dhismaha Bangiga Gaalkacyo iyo saameynta Ayaxa ee Gobolada Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada oo uu ka qeybgalay Madaxweyne Ku-Xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa Goluhu dood iyo falanqeyn kadib cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xeerka Gudniinka Gabdhaha iyo Xeerka Daroogada oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Cadaaladda Puntland.

Dhanka kale, Deni ayaa maanta xariga ka jaray dhisme cusub oo lagu kordhiyay Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka Cimilada oo laga hirgelinayo magaalada Garowe.

Wasiiru Dowlaha Ahna Kusimaha Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Mudane Cabdirashiid Cali Geelle, ayaa warbaahinta la wadaagay in dhismaha cusub oo ka kooban xafiisyo uu wax badan kusoo kordhinayo Shaqada Wasaaradda.

Geesta kale, Madaxweynaha isla Khamiista maanta ah wuxuu ayaa kormeeray Dhismaha Cusub ee Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland oo meel gebogebo ah maraya.

Madaxweynaha oo ay kormeerkiisa ku weheliyeen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda, ayaa  warbixin ka dhegaystay Madaxda Bangiga dhexe iyo khuburada dhismaha gacanta ku haysa.

Dhismaha cusub ee banigaga dhexe ee Dowladda Puntland dhammaan kharashka ku baxaya Dowladda ayaa bixisay, wuxuuna ka midyahay xarumaha hay’addaha dowladda ee lagu wado horumarinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM