Guddiga TPEC oo farageliyey khilaafka ururka Mideeye

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga ku meelgaarka Doorashooyinka Puntland ayaa farageliyay khilaafka Urur Siyaasadeedka Mideeye, sida ku xusan war-saxaafadeed TPEC soo saartey kuna taariikheysan July, 5, 2021.

Bayaanka TPEC oo GO u xaqiijiyeen illo wareedyo xog-ogaal ah waxaa qeyb ka ahaa go'aano la xiriira is-mari-waagan sababay in ururka ay isaga baxaan 23 siyaasi oo kamid ahaa kuwa aas-aasay ururkaas.

Go'aanadda ayaa kala ah;

1) In golaha dhexe ee ururka uu yeesho fadhigisii caadiga ahaa kahor 27-da bisha July, 2021 xilligaas oo laga joogo hal sano kahor kulan sanadeedkii hore ee golaha dhexe

2) In ajandaha kulanka lagu darro; dhismaha guddiyadda dhiman, warbixinta waxqabadka guddiga fulinta, iyo saxiixida, bedelida ama diidmadda warbixinta waxqabadka.

3) In guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland uu goobjoog ka noqonayo kulanka si uu u xaqiijiyo habsami u socodka shirka iyo sida loo maareeyo qodobadda kor ku xusan

War-saxaafadeedka oo uu saxiixay guddoomiyaha ayaa waxaa lagu soo gabagabeeyay in guddiga TPEC uu go'aanadan awood u siinayaan xeerarka doorashooyinka dowladda Puntland iyo kan urur siyaasadeedka.

Sikastaba ha ahaatee, Puntland oo horey hormuud ugu noqotay nidaamka hirgalay ee federaalka ayaa mar kale waxay hogaamin doontaa geedi-socodka waddanka Soomaaliya ugu talaabayo hanaan dimuqraadi ah.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga TPEC

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM