Gudoonka guddiga doorashada Puntland oo la doortey

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Doorashadda guddoonka Guddiga maamulaya doorashada Heer dowlad goboleed ee Puntland ayaa maanta oo Talaado ah waxay ka qabsoontay Hotel Piece 1 ee magaalada Muqdisho.

Xubnaha Guddiga ee soo xaadiray kulanka waxay ahaayeen 11 xubnood. Xilka jagada Gudoomiyaha waxa isku Soo sharaxay 1. Abdikariim Muse Mahamed Ma jirin qof kale oo la tartamay.

Natiijada Doorashada gudoomiyaha ayaa waxay noqotey Mudane Abdikarim Muuse Maxamuud oo helay codad gaaraya 11 Cod, sida uu ku dhawaaqay guddoonka guddiga doorashooyinka heer federaal.

Dhanka kale, xilka jagada gudoomiye ku xigeenka waxa isku Soo sharaxay Caynaanshe Yusuf Husein, ma jirin musharax kale oo kula tartamay jagaadan, waxa uu uuna helay 11 Cod.

"Sidaa daraadeed gudoomiyaha Guddiga Maamulka doorasha ee Heer Dowlad goboleed Puntland ayaa loo doortay mudane Abdikariim muse Maxamed, Halka mudane caynaanshe yuusuf Maxamed loo doortay gudoomiye ku xigeenka Guddiga," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland ayaa goobjoog ka ahaa goobta doorashada. Doorashadan waxay soo afjareysaa hadalheyn ku saabsan in Puntland ay diidey in xubnaheeda isku doortan caasimada.

Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa waxay xubnaheeda ku doorteen magaala madaxda Muqdisho. Kaliya waxaa haatan harsan HirShabelle, Jubaland Somaliland iyo Banaadiriga ah oo qaban-qaabadoodu socoto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM