Hab-qeybsiga lagu xalinayo xiisadda PSF ee Boosaaso

Image
Hab qaybsigaan ayaa salka ku hayaa hubka iyo Hantida ma guurtada ah ee ay hay’dda PSF ee isticmaaleysay sanadihii la soo dhaafey.

GAROWE, Puntland - Sida warsidaha Garowe Online fahansan yahay, waxaa la filayaa in heshiis laga gaaro saacadaha soo socda xiisadii kacsaneyd ee hay’adda Puntland Security Forces oo loosoo gaabiyo PSF.

Heshiiskaan oo si toos ah ay ugu jiraan ka xal Gaaristiisa inta badan beesha ay ka soo wada jeedaan Madaxweynaha Puntland iyo agaasinkii Hore ee hay’ada ayaa la filaya inuu ku soo dhamaado Hab qaybsi u dhexeyn doona agaasimihii Hore ee Hay’adda (Reer Diyaano) iyo Agaasimaha cusub, Amiin Xaaji Khayr (dowladda Puntland).

Hab qaybsigaan ayaa, sidda ay xoguhu muujinayaan, wuxuu salka ku hayaa hubka iyo Hantida ma guurtada ah ee ay hay’dda PSF Isticmaaleysay sanadihii la soo dhaafey.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Garowe Online u sheegay in hubka iyo rasaasta la qaybin doono halka guryaha la fahansanahay ahaan doonaan hanti ay leeyihiin reer Diyaano.

Dowlada Puntland ayaa sida la rumeysan yahay hoos u dhigeysa khatarta ay yeelan karto hadii xalka xiisadaan sababo isku dhac ciidan kaas oo sababi kara in xasiloonida Puntland wax u dhinaato.

Madaxweyne Dani ayaa bishii hore xil ka qaadis uu ku sameeyey agaasimihii hay'adda PSF waxaana arrintaas ay sababtey in ciidamo dowlada ah lagu soo daadgureeyo xarunta ganacsiga Puntland.

PSF oo dowladda Mareykanka ay si weyn u taageerto ayaa muddo dheer ahayd hay’ad agaasimiyaashii ugu badnaa ay kasoo jeeda qoyska reer Diyaanno, oo si gaar ah u maamulayay dhaqaalaha Pentagon siiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM