"Hadafka istaraatiijiyadeed" ee Daacish ka leedahay Puntland

Image
Qorshahan ayaa lagu waramay in uu dhextaal u ahaa Bilaal Al-Sudani kaasoo Mareykanka uu dilay bishii hore.

BOOSAASO, Puntland - Howlgalka ay fuliyeen ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa lagu bartilmaameedsaday Bilaal Al-Sudani, oo xoghayaha difaaca Ameerika Lloyd Austin uu sheegay in "uu mas’uul ka ahaa kobcinta joogitaanka ISIS ee Afrika iyo maalgelinta howlgallada kooxda ee adduunka oo dhan, oo ay ku jirto Afghanistan".

Toban kale ayaa sidoo kale waxaa lagu khaarijiyey isla weerarkaas dhacay Janaayo 25, 2023. Sudani ayaa bartilmaameed u ahaa Maraykanka tan iyo horaantii 2012.

Washington ayaa Al-Sudani cunaqabatayn ku soo rogtay sanadkii 2012-kii. Magaciisa saxda ah waa Suhayl Salim Abd el-Rahman. Sababta loo xayiray ayaa ah oorkii uu ka qaatay fududaynta in dagaalyahanada ajaanibka ah ay gudaha u soo galaan Soomaaliya kuna biiraan Al-Shabaab, oo ah faraca Al-Qaacida ee gobolka.

Sannadkii 2015-kii, koox yar oo maleeshiyaad ah oo uu kamid yahay Al-Suudaani ayaa ka goostay Al-shabaab, waxayna ballan-qaadeen inay la midoobayaan Daacish.

Hadafka ISIL ee Puntland

Kooxda ayaa si gaar ah u qortay Suudaani, oo ah dagaalyahan Suudaani ah oo ka shaqeynayay waaxda warbaahinta ee Al-Shabaab, "sababtoo ah walaalkiis ayaa horeyba uga tirsanaa kooxda Daacish," sidaas waxaa yiri ilo ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya ka tirsan oo ay soo xigatay Washington Post.

Daacish ayaa qabsatay magaalo xeebeed ka tirsan Puntland dabayaaqadii 2016-kii, waxayna haysteen muddo bil ku dhow ka hor inta aysan ciidamada Soomaaliya oo taageero ka helaya Mareykanka aysan maleeshiyada dib ugu celin buuraha Puntland.

Sida ay sheegeen baarayaal ka tirsan Qaramada Midoobay iyo saraakiisha sirdoonka Soomaaliya - kuwa hadda iyo kuwii hore, xafiiska Al-Suudaan wuxuu ahaa "xarunta dhaqaale iyo maamul ee Dawladda Islaamka".

"Hadafka Al-Suudaani - oo loo yaqaan Al-Karrar - iyo kooxdiisa ma ahan in ay dhul ka qabsadaan Puntland," ayuu yiri sarkaal hore oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya. "Kaliya waxay u shaqeeyaan sidda buundo isku xirta bartamaha Afrika, Mozambique iyo Bariga Dhexe".

Ku dhex-milanka Itoobiya

Daacishta Soomaaliya ayaa waxaa laga yaabaa in ay isha ku haayaan gudaha Itoobiya, sida ay sheegeen labada sarkaal ee sirdoonka Soomaaliya iyo laamaha ammaanka oo lagu soo xigtey warbixinta.

Tan iyo 2019, kooxda ayaa dadaal ku bixisay inay qorato dagaalamayaal kasoo jeeda Oromia, oo ah gobolka ugu dadka badan Itoobiya. Oromia waxaa ku nool dad badan oo muslimiin ah.

"Qaxootiga ka imaanaya Oromiya ayaa inta badan waxa ay maraan deegaanada Puntland, iyaga oo shaqooyin ka raadinaya Bariga Dhexe," ayaa lagu yiri qormadda xasaasiga ah.

Illo wareedyo ka tirsan hay'adaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in maleyshiyaadka Daacish ay qafaashaan qaar muhaajiriinta ka dibna ay ku qanciyaan in ay la joogaan una balanqaadaan mushahar yar. "Qiyaastii kala bar xubnaha kooxda ayaa hadda ah Oromo," ayay qireen saraakiisha oo ka gaabsadey magacyadooda sababo ammaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM