Isbedelka xeer-hoosaadka xeer-dejinta Puntland oo la difaacay

Image

GAROWE, Puntland - Afhayeenka golaha wakiilada dowladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa si xooggan wuxuu difaacay mooshinka wax ka bedelka loogu sameeyay xeer-hoosaadka baarlamaanka.

Jibriil oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa tibaaxay in isbedelkan uu ku yimid soojeedin ka timid xubno ka tirsan baarlamaanka isla markaana si wada-ogol ah loo meelmariyey.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa ayaa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in go'aankan uu salka ku hayo sidii xeer-hoosaadka baarlamaanka Puntland loola simi lahaa goleyaasha kale ee maamulada dalka.

"Tusaale ahaan xeer-hoosaadka golaha shacabka baarlamaanka federaalka ah wuxuu xeerinayaa in haddii Xildhibaan xasaanada laga qaadayo ay ka qaadayaan 3 dalool laba tirada guud ee golaha shacabka, marka maadaama Puntland xubin ka tahay federaalka waa in ay la mid noqotaa dalka sida dastuurkeeda xeerinayo," ayuu ku andacoodey.

Isaga oo ka jawaabaya su'aal la xiriira qadiyadaas oo wariyuhu waydiiyey, guddoomiye Jibriil ayaa beeniyey wararka in isbedelkan ay ku ilaashadaan xilalooda ayna ku goobayaan awood dheeri ah.

"Dadka siday doonan bay u dhigayaan. Dowlada Puntland ay hay'adaheedu ka kooban saddex. Dowladnimada waxay ku wanaagsan tahay isla xisaabtan. Dowladnimadana ma ahan in la isku ilaaliyo waa in ay shacabka u shaqeeyaan," ayuu tibaaxay.

Xukuumadda madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayuu ganafka ku dhuftay in ay ku lug-leedahay isbedelkan. Sidoo kale, wuxuu qiray in guddiga ka shaqeeyay isbedelka uu wadatashi la sameeyay.

Wax ka bedelka xeer-hoosaadka baarlamaanka Puntland oo shalay goluhu ansixiyey waxaa ugu mudan saddex qodoob oo min shuruud looga dhigay taageeradda 44 xubnood oo ka tirsan Golaha Wakiilada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM