Isbitaalka Guud ee Garoowe oo dib-u-dhis lagu sameynayo

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Deni ayaa wuxuu maanta dhaggax dhigay dhismaha Isbitaalka Guud ee Garoowe oo dib-u-dhis lagu sameynayo loona dhisayo hab casri ah.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa cod dheer wuxuu muujiyay muhiimada ay leedahay in Bulshadu hesho Isbitaal weyn oo casri ah oo adeegyada Caafimaad bixiya.

Deni ayaa u mahadceliyay Dowladda Germany oo Puntland ka caawinaysa dhismaha Isbitaalkan iyo Hay’addaha Wasaaradda Caafimaadka la shaqeeya sida UNICEF oo fulinaysa dhismaha.

Dhismaha Isbitaalka guud ee Garoowe wuxuu ka mid yahay baahiya Bulsho oo dowladdu ka jawaabtay, si dadweynaha reer Puntland u helaan xarun Caafimaad oo dhameystiran oo baahidooda ka haqabtirta.

Munaasabada waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Madaxda Hay’adda UNICEF iyo Injineerada dhisaya dhismaha cusub ee Isbitaalka guud ee Garoowe.

Dhanka kale, madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay Madasha wadatashiga ee wax ka qabashada Nafaqo darada iyo sidii xal waara looga gaari lahaa.

Kulanka waxaa ka qeybgalay qaar ka mid xubnaha Goleyaasha Dowladda, Agaasimeyaal guud iyo Hay’addaha taageera Barnaamijyada wax looga qabanayo nafaqo darada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM