Joogitaanka Xasan Sheekh ee Baydhabo oo asbuuc jirsatay
BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo wadatashi ah kula qaatay magaalada Baydhabo odayaasha dhaqanka Koonfur-galbeed, siddda ay sheegtay Villa Soomaaliya.
Sida laga soo xigtey war-saxaafadeedka Madaxtooyadda Qaranka, Xasan Sheekh ayaa ka dalbaday in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo xaqiijinta Koonfur-galbeed heshiis ah.
"Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay asaas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen horumarka iyo wax wada qabsiga," ayay tibaaxdey Villa Soomaaliya.
Dhankooda, odayaasha dhaqanka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa la wadaagay talooyinkooda ku saabsan hannaanka dib u heshiisiinta, dagaalka ka dhanka Khawaarijta Alshabaab, xasilinta iyo horumarinta deegaanka.
"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinkii lixaad ku sugan magaalada Baydhaba ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalkiisa Baydhabo," ayuu hoosta ka xariiqdey Madaxtooyada.
Wararka laga helayo joogitaanka Xasan Sheekh ee Baydhabo ayaa sheegaya in illaa hadda diiradda la saarey xalinta tabashooyinka shaqsiga ah islamarkaana aanan loo gudbin arrimaha siyaasadda
Kulanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur-galbeed, Cabdi Casiis Xasan Maxamed.
Dooda ugu weyn ee dhalisay xiisadda Koonfur Galbeed waa muddo kororsiga Laftagareen. Mucaaradka ayaa la wariyey in aysan la dhacsaneyn qaabka wax u scodaan. Balse, lama sii saadaalin karo natiijadda shirka.
GAROWE ONLINE