Karaash oo beeniyay warar laga faafiyey Shirka Wadatashiga Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cusmaan [Karaash], ayaa wuxuu khudbad ka jeediyey Shirweynaha Wadatashiga ee maanta oo Axad ah ka furmay magaala madaxda Garowe.

Karaash ayaa ayiday dhamaan qodobadii uu madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni kaga dhawaajiyey hadal-jeedintiisa furitaanka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu hoosta ka xariiqay in ay ku dedaaleyso Puntland siddii gacanteeda dib ugu soo celin lahayd gobolada ka maqan "si loo heli Puntland oo dhameystiran shirka dambe".

"Waxaan qirayaa in horumar weyn la gaarey, waxaan kaloo qirayaa in wax badani dhiman yihiin sidda maalintii shirkii leys kugu yimid 98-dii iyo maanta waxbaa ka dhiman, gobolaa ka maqan. Waxaanu ku dedaaleynaa in aanu sugno wixii ka maqan, Puntland oo dhameystiran aanu isugu imaano shirka xiga," ayuu u sheegay ka qeybgaleyaasha.

Axmed Cilmi Cusmaan Karaash ayaa ku nuux-nuux saday in ay sidoo kale Puntland u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Warar laga faafiyey Shirweynaha oo ku aadan in looga soo horjeeda dowlada Soomaaliya ayuu qashinka ku daray, isagoo tibaaxay in looga tashanayo mustaqbalka Puntland iyo kaalinteeda hogaaminta dalka.

Xili uu meesha ka saareysa in ay "cadaawad" u hayso dowladda madaxweyne Farmaajo, Karaash ayaa xusay "in Puntland oo cabasho ah ay diyaar u tahay in ay ka garnaqsato hogaanka Villa Soomaaliya".

Dowladda Farmaajo oo mudda xileedkeedu gabaabsi yahay ayaa lagu eedeeyay in ay "caburiso una awood-sheegato isla markaana isku daydo in ay maquuniso dowlad goboleedyadda dalka ee aragti ahaan naqdiyay".

MUUQAALKA KARAASH

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM