"Suurtagal ma ahan inay madaxda DF sidey rabaan ka yeelan dalka"

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlay furitaanka Shirweynaha Wadatashiga Puntland, ayaa wuxuu ku eedeeyay dowlada federaalka inay u awood-sheeganeyso maamulada.

Madaxda fadhisa Villa Soomaaliya ayuu qeexay in ay talaabooyinkaas u qaadayaan si ay gacanta ugu dhigaan awooda wadanka, talaabadaas oo kasoo horjeeda nidaamka federaalka.

Wadahadalo ay hogaanka dowladda federaalka kala yeesheen caqabado ka jira nidaamka federaalka iyo kuwa kale oo gaar ah Puntland ayuu tilmaamay in ay kusoo dhamaadeen natiijo la'aan.

Mas'uuliyadda fashilka ku yimid wadaxaajoodyadaas oo bilooyinkii lasoo dhaafay socday ayuu tibaaxey in ay qaadanayaan madaxda Qaranka.

Arrimaha hor-tabinta u leh dalka si gaar ah amniga, dhameystirka dastuurka, doorashooyinka iyo la dagaalanka argagixisada ayuu ka shanqriyey in ay ka gaabiyeen madaxda dowladda.

Sharciyo dhinac marsan dastuurka balse laga leeyahay dano gaar ah ayuu qeexay in ay meelmarisay xukuumadda, iyaddoo aanan wax latashi ah aanan lagala sameynin maamuladda.

"Dhamaan deeqihii laga helay beesha caalamka waxay noqdeen kuwa aan dadka Soomaaliyeed loogu qeybin si hufan, waxaana inta badan loo isticmaalay arrimo siyaasadeed," ayuu raaciyey.

Wuxuu daaha ka rogay: "Dowladda federaalka waa dowladeenii, waa dowladdii aan naf iyo maskax aan lasoo garab-istaagteyna walina aan diyaar u nahay inaan lasii garab istaagno, laakiin ma suuroobeyso in madaxda federaalka ay sidey rabaan ka yeelaan dalka, iyagoo aan xormeyneyn xeerarka dalka, anaguna aan marqaati uga noqono".

"Waxa aan ka rabno madaxda dowlada federaalka ma ahan wax sir ah, mana ahan wax si gooni ah loogu eexanayo Puntland, waxa aan rabnaa waxa weye hogaan xormeynaya shuruucda iyo xeerarka dalka oo uu ugu horeeyo dastuurka ku meel gaarka ah, hadii la baalmaro shuruucda iyo xeerarka dalka ma suuroobeyso in la gaaro midnimo iyo wadajir oo dhamaanteen dooneyno," ayuu hoosta ka xariiqay hogaamiyaha.

Ugu dambeyntii, ka qeyb-galeyaasha oo isugu jira mas’uuliyiin heer federaal iyo heer gobol si lamid ah siyaasiyiin xilal kala duwan soo qabtay ayuu ku booriyey in ay u midoobaan danta Puntland iyo Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM