Karaash oo gaarey degaanka ay colaadu ka jirto ee Sango-jabiye

Image
Socdaalka Karaash ayaa qeyb ka ah dedaalo bilowdey tan iyo markii dagaalo culus ka dhaceen degaanka.

GAROWE, Puntland - Wafti uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka dowlada Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta gaaray degaanka Sango-jabiye oo ka mid ah dhul daaqsimeed beelo walaalo ah dirir ku dhexmartay beelo walaalo ah.

Karaash ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu joogi doono degaanada Sango-jabiye iyo Saax Maygaag illaa iyo inta labada dhinac ka gaarayaan heshiis rasmiya oo lagu soo afjaro colaada u dhaxaysa beelaha walaala ah.

Qaar ka mid ah isimadda gobolka Sool, cuqaal iyo bulshada deegaanka ayaa Waftiga Madaxweyne kuxigeenka maanta kusoo dhaweeyay Sango-jabiye.

Kullamo lagu gaarey arrimo ay ka mid yihiin xabad joojin iyo in loo diyaar-garoobo bulshada labada dhinac-ba wada hadal iyo heshiis lagu soo afjarayo colaada dhiiga Sokeeye ku daadanayo ayay si horudhac ah uga wadahadleen.

Maalinta berito ah ayaa la filayaa in wafdiga madaxwayne ku xigeenka in ay kulan gaar ah la yeeshaan Cuqaal iyo waxgarad ka socda Gobolka Nugaal si loosoo gabagabeeyo colaadda.

Socdaalka Karaash ayaa qeyb ka ah dedaalo bilowdey tan iyo markii dagaalo culus ka dhaceen degaanka Saax-maygaaga ayna u kaceen mas'uuliyiinta maamulka Puntland,Issimadda,Sool,Nugaal iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada Reer Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM