Karaash oo gaarey degaanka ay colaadu ka jirto ee Sango-jabiye

Image
Socdaalka Karaash ayaa qeyb ka ah dedaalo bilowdey tan iyo markii dagaalo culus ka dhaceen degaanka.

GAROWE, Puntland - Wafti uu hogaaminayo madaxweyne ku-xigeenka dowlada Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta gaaray degaanka Sango-jabiye oo ka mid ah dhul daaqsimeed beelo walaalo ah dirir ku dhexmartay beelo walaalo ah.

Karaash ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu joogi doono degaanada Sango-jabiye iyo Saax Maygaag illaa iyo inta labada dhinac ka gaarayaan heshiis rasmiya oo lagu soo afjaro colaada u dhaxaysa beelaha walaala ah.

Qaar ka mid ah isimadda gobolka Sool, cuqaal iyo bulshada deegaanka ayaa Waftiga Madaxweyne kuxigeenka maanta kusoo dhaweeyay Sango-jabiye.

Kullamo lagu gaarey arrimo ay ka mid yihiin xabad joojin iyo in loo diyaar-garoobo bulshada labada dhinac-ba wada hadal iyo heshiis lagu soo afjarayo colaada dhiiga Sokeeye ku daadanayo ayay si horudhac ah uga wadahadleen.

Maalinta berito ah ayaa la filayaa in wafdiga madaxwayne ku xigeenka in ay kulan gaar ah la yeeshaan Cuqaal iyo waxgarad ka socda Gobolka Nugaal si loosoo gabagabeeyo colaadda.

Socdaalka Karaash ayaa qeyb ka ah dedaalo bilowdey tan iyo markii dagaalo culus ka dhaceen degaanka Saax-maygaaga ayna u kaceen mas'uuliyiinta maamulka Puntland,Issimadda,Sool,Nugaal iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada Reer Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM