Khasaaro ka dhashay dab qabsadey suuqa Boosaaso

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Dab la sheegay in uu xoogannaa ayaa xalay qabsadey qayb kamid ah suuqa weyn ee xarunta ganacsiga dowlada Puntland ee Boosaaso kaasoo aan wali la ogeyn waxa sababay.

Mas'uuliyiinta xarunta gobolka Bari iyo dadweynaha oo kaashanaya gaadiidka dab-damiska ayaa ku guuleystay in ay baqtiijiyaan dabka, sida ay Garowe Online u sheegeen goobjoogeyaal kala duwan.

Illaa haatan, lama tiro koobin khasaaraha guud ee ka dhashay dabka. Balse, warar horudhac ah waxay tibaaxayaan in waxyeelada ay kooban tahay ayna arrintaas ka dhalatay gurmadka deg-dega ah.

Sawirro iyo muuqaalo laga soo qabtey goobta dabka ka kacay ayaa muujinaya gubashadda tirro badan oo mehrado ganacsi oo ay ku jiaan carwooyin lagu iibiyo noocyadda kala duwan ee dharka.

"Marka laga soo tago gubashadda muuqata; su'aalaha u baahan in laga jawaabo walina aan lagu deg-degi karin waa sababta dhalisay iyo khasaaraha guud ee ka dhashay," ayuu yiri goobjooge.

Saraakiisha ammaanka gobolka Bari oo tibaaxay in ay murugada la wadaagayaan ganacstada uu dabku saameeyay ayaa tibaaxay in ay baaritaan bilaabeen soona bandhigayaan natiijada kasoo baxda.

Inta badan dabka ka kaca suuqyada ku yaala Soomaaliya ayaa ka bilowda koronto wallow la sheegay in ay jiraan qaar ku talagal ah, hase ahaatee, waxaa la dhowrayaa maxsuulka baarista bilaabatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM