Laascaanood oo la sheegay in ay ka dhaceen "danbiyo dagaal"

Image

GAROWE, Puntland - Dallada ururada bulshada rayidka ah ee Puntland ay ku midaysan yihiin (PUNSAA) ayaa war-murtiyeed ay soo saartay waxaa ay kaga dayrisay xaalada shacabka Laascaanood.

PUNSAA ayaa waxay daaha ka rogtey in 21 qof la dilay, 100 ka badan ay dhaawac yihiin isla markaana ay ku sugan yihiin xaalad bini'aadannimo oo adag.

Baaris ay samaysay ''PUNSAA'' ayay tibaaxdey in ay ku ogaadeen in ciidamadu ay laayeen dad shacab ah ayna u dhaqmeen "si ka baxsan diinta, dhaqanka iyo xeerarka caalamiga ah".

Ciidamada Somaliland ay ugu baaqdey dalladu in ay ixtiraamaan doonista dadka ayna shacabka Laascaanood yihiin cidda kaliya ee xaq u leh in ay ka go'aan gaaraan mustaqbalkooda.

Xaaladda Laascaanood ayay ka digtay in ay ka dhalato colaad ku baahda gobalka, waxaana ay hoosta ka xariiqdey in dilka rayidku uu horseedi karo dhibaatooyin hor-leh.

Shalay ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidanka maamulka Somaliland ay hor istaageen dhaawacyo dad rayid ah oo loo soo waday Garowe.

Balse ''PUNSAA'' ayaa ku adkaysay baaqa ah in dhaawacyadu helaan daryeel caafimaad, isla markaana loo fududeeyo hay'adaha caafimaadku in ay gaaraan dadka.

Hay'addaha gargaarka ayay ugu baaqday in ay il gaar ah ku hayaan xaalada dadka danyarta ah maadaama oo muddo todobaad ah uu xiran yahay ganacsiga iyo isku-socodka xarunta gobolka Sool.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Maalgelinaysa Mashruuc AfDB oo ay Siyaasadeysay Villa Somalia

Tallaabadan ayaa timid ka dib codsi kasoo baxay bulshada gobolka Mudug, kuwaas …

  • Puntland

    04-07-2025

  • 02:22PM

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM