Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo cafis u fidiyey maxaabiis

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu cafis u fidiyey 60 kamid ah maxaabiista haatan ku xiran xabsiyada maamulkan.

Sidda ku xusan qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland, Deni ayaa talaabadan qaadey kadib markii uu eegay Dastuurka Dowladda Puntland si gaar ah Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11-aad.

Sidoo kale, madaxwayne Deni ayaa talaabadan wuxuu go'aansaday ka gedaal markii uu tixgeliyey talo-soojeedin kaga timid Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.

Wareegtada cafiska oo lagu faafiyey ciwaanadda baraha bulshadda sidda mareegga Facebook ee madaxtooyadda dowladda Puntland ayaa u qorneyd sidda tan;

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 13 kuna saabsan Cafis Guud oo uu u fidiyey 66 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada Dowladda Puntland.
 
Madaxweynaha Dowladda Puntland
 
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11naad
 
Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.
Wuxuu xeeriyey:
 
1.Waxaa cafis guud loo fidiyey fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaalada caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed 66 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland.
 
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Cafiskan ayaa wuxuu kusoo hagaagaya xilli lagu guda bisha barakeysan ee Ramadaan. Taliska ciidanka Asluubta dowladda Puntland ayaa lagu waddaa in uu si deg-deg ah u bilaabo fulinta cafiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM