Magaalada Garowe oo neefsaneysa qiiq sumeysan, Sabab?

Image

GAROWE, Puntland- Magaalada Garowe ayaa waxaa dhibaato ka haya sidii ay u maamuli laheyd Qashinka “Waste Management” iyadoo shirkadaha iyo dadka ka shaqeeya ku daadiyaan gudaha magaalada dhexdeeda.

Waxa kale oo jira guud ahaan wacyi galin la’aan dhinaca shacabka ah kuwaas oo bacaha iyo waxyaalaha kale ay isticmaalaan aysan maamulin kuna daadiyaan jidadka, goobaha ganacsiga iyo guryaha ay dagan yihiin hortooda.

Hadaba iyadoo Dowladda hoose dadaaleyso ayaa maalmmahaan waxaa soo batey qashin lagu dhex gubayo magaalada dhexdeeda.

Warsidaha Garowe Online ayaa wax ka waydiiyey Khabiir  ku takhasusey arimahaan iyo dhibka ay u leeyihiin shacabka ku nool magaaladaas oo gabi ahaan aan ku baraarugsaneyn khatartaan.

Qashinka guud ahaan wuxuu u kala baxaaa sadex qaybood oo kala ah:

1. Qashinka warshadaha (Industrial waste)

2. Qashinka meheradaha (Commercial waste, sida makhaayadaha), iyo

3. Qashinka guryaha (domestic waste)

Soomaaliya  guud ahaan ama Puntland gaar ahaan warshado badan ma leh dhibna kuma hayo qashinkaas. Qashinka magaalada Garowe waxaa u badan labada nooc ee kala ah kan meheradaha iyo kan guryaha.

Magaalada Garowe waxaa ka jira shirkad qashinka ka qaada  guryaha iyo meheradaha waxayna qandaraas ka haysata Dowladda Hoose ee magaalada Garowe.

Sida baaritaan warsidaha Garowe Online ku ogaadey shirkadaan waxay qaahinka ku daadisaa meelo aan magaalada ka fogeyn halkaas ayaana lagu Gubaa iyadoo qiiqa ka soo baxo gaaro magaalada oo dhan gaar ahaan xaafadaha ku dhow.

Waxaa kaloo jira dad sabool ah oo qaada qashinka guryaha, kuwaas oo aan lacag badan qaadan. Dadkaas oo aan meel fog geyn ayaa Isla magaalada gudaheeda qashinka ku guba.

Sababta keeneysa in dadku qashinka gubo ayaa ah isku day lagu yaraynayo qashinka tiradiisa ama muggiisa.  Hase yeeshee, dadkaa saboolka ah oo intay qashinka guryaha ka soo qaadaan ku guba magaalada gudaheeda ayaan garan karin dhibaatada qashinka qiiqiisu leeyahay. Halka Dowladda hoose aysan ku baraarugsaneyn.

Dhibaatada Qiiqa u keeni karo noolaha

Haddii qashinka lagu gubo banaanka waxa dhacaya gubniin aan dhammaystirnayn oo dabayshu ama oksijintu ku yaraaneyso. Taas waxay keeneysaa inuusan qashinku si fiican u guban (Partial decomposition) qiiqa ka soo baxayana uu noqdo mid sumeysan. Sababtu waxay tahay waxa meesha gubanaya ayaa ah caag iyo bac u badan oo u baahan in dabayl aad u badan ama oksijin badan lagu gubo si uu gubashadoodu u dhammaystiranto.

Dhammaystir la’aanta gubniinka (Partial decomposition) qashinka ayaa dhaliya qiiq sumo badan ay ku jiraan. Waxaa qiiqaas ku jira sunta la yiraahdo Carbon monoxide, oo haddii lagu neefsado keeni kara in qofku neefta ku dhagto, oo dabadeed wax-yeello wayn ku dhacdo xubinta neefsiga qofka.

Waxaa kaloo qiiqaas ku jira walxo kimiko ah oo keeni kara cudurka loo yaqaan Neefta "Asthma"iyo kansar ku dhaca xubno badan ee jirka ah. Waxaa qiiqaas khatar weyn ku yahay caafimaadka dhallaanka iyo hooyooyinka uurka leh.

Waddamada horumaray ayaa si loo yareeyo qashinka muggiisa laga faa’ideystaa oo lagu gubaa makinado loo yaqaan gubayaal ama “incinerators.”  Makinadahan ayaa qashinka ka soo saara dambas muggiisu yar yahay kana dhaliya awoodda korontada. Makiinadahan ayaa qashinka ku guba oksijin aad u badan si uu qashinku u wada gubto (complete decomposition).

Haddaba Dowladda Hoose ee Garowe ayaa waxaa looga baahan yahay in qashinkaas lagu gubayo magaalada dhexdeedda si degdeg ah u joojiso iyadoo la eegayo badqabka dadka ku nool goobaha qiiqaasu ku baxayo.

Wasaarada caafimaadka Puntland oo shaqadeedu tahay ka wacyi galinta mushkiladaan Dowladda hoose ayaa looga baahan yahay iney fiiro gaar ah u yeelato mushkiladaan aan gabi ahaan la dareensaneyn.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM