Mareykanka oo baaq kasoo saarey xaalada Boosaaso

Image
Xaaladda Boosaaso ayaa faraha ka baxdey, waxaana billowday dagaal mudooyinkii dambe.

BOOSAASO, Puntland - Safaaradda Mareykana ee Muqdisho oo ku baaqdey in degdeg loo joojiyo isku-dhacyadda Boosaaso ayaa soo jeedisay in xal nabadeed oo wadahadal ku yimaaday lagu soo afjaro dagaalka.

"Dagaalka oo si socda wuxuu dhibaateynayaa Boosaaso iyo dadkeeda," ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay ciwaanka safaaradda ku leedahay mareegga Twitter-ka.

Dagaalka Boosaaso ayaa sii xoogeystay markii Ciidamo boqolaal askari lagu qiyaasay oo ka yimid saldhigyada gobolka Bari ay kusoo biireen kuwa dowladda, oo isku dayaya inay si qasab ah ay Maxamed Cismaan Diyaano uga saaraan xarunta dhexe ee hay’adda PSF-ta.

Xaaladda Boosaaso ayaa faraha ka baxdey, waxaana billowday dagaal mudooyinkii dambe laga digayay inuu qarxo, kaasoo hadda saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqii iyo xasiloonidii ka jirtay magaaladda ganacsiga Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaaladda Baydhaba oo u tagey ka qeybgalka dabaal-dega sanad-guuradii 3aad ee doorashadda Lafta-gareen ayaa dib ugu soo laabtay Garowe, iyadoo illaa hadda madaxtooyadda ka hadlay dagaalka Boosaaso.

Hay’adda PSF oo shaqadeedu tahay la dagaalanka argagaxisadda, ayaa waxaa taageera dowladda Mareykanka oo dhaqaale iyo tababaro ka hesho, taasoo ka dhigtay in hogaankeeda lagu loolamo.

Dowladda Puntland ayaa isku dayaysa inay isbedel iyo dib u habeyn ku sameyso hay’adaha amniga, si loo xoojiyo awoodda iyo tayada Ciidanka oo wajahaya khataraha kooxaha argagaxisada Al-Shabaab iyo Daacish.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM