Mareykanka oo "hakiyey" taageeradii hay'adda PSF

Image
Washington ayaa talaabadan u cuksatay markii lagu gacan-seyray soojeedin ay la timid.

BOOSAASO, Puntland - Dowladda Mareykanka ayaa sanad kahor joojisay taageeradda ay siiso hay'adda Puntland Security Forces, sida uu Talaadada maanta ah faafiyey barnaamijka Galka Baarista ee VOA-da.

Galka Baarista oo uu daadihiyo wariye Haaruun Macruuf ayaa soo xigtay sarkaal ka gaabsadey magaciisa sababo la xiriira in aan loo ogoleyn in uu ka hadlo arrimaha xasaasiga ah.

Sida ku xusan warbixinta, xukuumadda Washington ayaa u hakisay taageeradda PSF kadib markii hogaanka hay'addu diideen in ay kamid noqdaan cutubka Danab ee kamid ah kumaandooska Soomaaliya.

Danab oo la rumeysan yahay in ay tiradooda ay u dhaxeyso 3,000 illaa 4,000 askar waa cutub si gaar ah u tababaran oo Mareykanka uu maalgeliyo isla markaana tababaro.

"Taliska AFRICOM ayaa Galka Baarista u sheegay in aysan xiriir rasmi ah la lahayn ciidamadda PSF isla markaana aysan siinin taageero toos ah," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah baahinta barnaamijka.

Balse, sida ku cad warbixinta, AFRICOM ayaa rumeysan in ciidamadda PSF ay leeyihiin "karti ay kula dagaalamaan argagaixisadda" balse waxay walaac ka muujiyeen madmadowga soo kala dhex-galay.

Hay'adda PSF oo xarunteedu tahay Boosaaso ayaa in muddo ah waxay dagaalo ba'an kula jirtaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dhuumaaleysta dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

"AFRICOM waxay sheegtay in Daacish iyo Al-Shabaab ay PSF u arkaan in ay halis ku tahay sidii ay u qabsan lahaayeen dhul horleh una soo geli lahaa dakhli horleh," ayuu Haaruun ku yiri warbixinta.

Falanqeeyayaal kala duwan oo lagu wareystay barnaamijka ayaa isku raacay sidda ay muhiim u tahay dib-u-habeyn lagu sameeyo qidada ammaanka Soomaaliya kadib dildilaaca soo dhex-galay ciidamadda.

Bishii October ee sanadkan 2021-ka, dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ay dib-u-eegis ku sameyneyso taageeradda ciidamadda Danab kadib markii ay soo baxeen in ay ku lug-yeesheen dhacdooyin siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM