Markabkii ugu horeeyay oo ku xirtey dekadda Garacad

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Markabkii ugu horeeyay oo caalami ah ayaa saaka oo Axad ah waxaa lagu waramayaa in uu ku xirtey dekadda Garacad, gobolka Mudug ee dowladda Puntland ee Soomaaliya.

Mas'uuliyiin kala duwan ayaa goobjoog ka ahaa talaabadan taariikhiga ah. Qaarkood oo goobta ka hadlay waxay muujiyeen farxad ballaaran ayaga oo sheegay in hankii dadka degaanka rumoobay.

Mashruuca dhismaha dekada Garacad oo ay hirgelisay shirkadda waddaniga ah Wadaagsan waa mashruuc maalgashi oo isku tashi ah, lana bilaaabay bishii Janaayo ee sanadkii 2016.

Maalgashiga mashruucan waxaa iska kaashanaya ganacsato, xirfadlayaal Soomaaliyeed iyo dowladda puntland oo ku leh door muhiim ah, sida ku xusan ciwaanka internet-ka ee marsadda.

Xafiiska ugu weyn ee shirkadda Wadaagsan waxa uu ku yaala magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Iftin Palaza. Shirkaddu waxa ay xarumo ku leedahay magaaloyinka Garacad iyo Garowe.

"Mashruuca Dekada Garacad waa mid isku xiraya ganacsiga gobollada dhexe ee soomaaliya, bariga itoobiya iyo adduunka intiisa kale, gaar ahaan bariga fog (albaabka isku xiraya Afrika iyo Aasiya)," ayaa lagu daabacay barta internet-ka ee dekadda.

Dhismaha dekaddan ayaa la rumeysan yahay in ay sarre u qaadi doonto dhaqaalaha Puntland oo kalkii hore qeybtiisa ugu badan uu ka imaan jiray marsadda Boosaaso oo ah xarunta ganacsiga Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM