Maxaa kasoo kordhay kiiska labada diyaaradood ee Garowe?

Image
Deni ayaa la wariyey in uu ku canaantay Wasiirka duulista hawada iyo garoomada sababta uusan war uga hayn diyaaradahan.

GAROWE, Puntland - Puntland ayaa su'aallo waydiinaysa shaqaalaha iyo duuliyayaasha laba diyaaradood oo muddo dhowr bari ah fadhiya garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, sidda ay wararku sheegayaan.

Fahfaahinta ayaa waxay intaas ku daraysaa shaqaalaha iyo duuliyayaasha in laga kaxeeyay garoonka diyaaradaha isla markaana lagu hayo meel magaalada kamid ah.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la wariyey in uu ku canaantay Wasiirka duulista hawada iyo garoomada, Ilyaas Cismaan Lugatoor, sababta uusan war uga hayn diyaaradahan.

Taliyaha ciidanka booliska garoonka diyaaradaha Garowe oo uu Deni ugu yeeray gudaha garoonka ayaan ka jawaabi waayay su'aalo uu madaxweynuhu ka waydiiyay arrintan diyaaradahan isaga oo ku dooday in shaqadiisu ay tahay amni oo kaliya.

Qeyb gaar ah oo ka tirsan laanta baarista Booliska Puntland ayaa loo xil-saarey in ay warbixin ka keento kiiskan kdib markii uu u wakiishay taliyaha ciidanka booliska Puntland, Muumin Cabdi Shire oo tagay garoonka diyaaradaha.

Guddiga baaritaanka ayaa, sidda ay xogta muujineyso, waxa uu ogaaday in uu been abuur yahay nuqulka kamid ah heshiiska ee horey loo tusau dowladda Puntland kaasoo xeerinayo in lagu kala iibsadey $60 milyan.

"Madaxwayne Siciid Cabdulaahi Deni ayaa walaac ka muujiyey qiimahaas isaga oo ku dooday in aysan suurtagal ahayn in lacagtaas lagula kala wareego laba diyaaradood oo noocaas ah xilligan la joogo," ayay xuseen illo wareedyada.

Sidda laga soo xigtey wararka dheeraadka ah, natiijada horudhac ah ee guddiga ku ogaadey baaritaanka cusub waxaa kamid ah in ay been abuur tahay in diyaaradaha loo wado Pakistan ayna ku wajahan yihiin Masar.

Dowladda Puntland ayaan wali wax war ah kasoo saarin kiiskan. Garoomada diyaaradaha Puntland ayaa kamid ah kuwa ugu ammaanka badan Soomaaliya. Balse, kiiskan ayaa haddii si sax ah loo baarin tuhun gelin kara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM