Maxay ahaayeen diyaaradaha lagu arkay garoonka Garowe?

Image
Saraakiil ka warqaba baaritaanka ayaa u xaqiijiyey Garowe Online in diyaaradahan laga leeyahay Pakistan.

GAROWE, Puntland - Baaritaan ay dowladda Puntland ku sameysay laba diyaaradood oo yaallay garoonka diyaaradaha Garowe ayaa lasoo gabagabeeyay, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Saraakiil ka warqaba baaritaanka oo codsadey in aan la sheegin magacyadooda sababo ku aadan xasaasiyada kiiskan ayaa u xaqiijiyey GO in diyaaradahan laga leeyahay Pakistan.

Fahfaahinta ayaa intaas ku daraysa in diyaaradahan ay soo kireysteen ganacsato hase ahaatee aan wax shaqo ah lagu qaban sababo ku aadan is-faham-waa gadaal kasoo ifbaxay.

"Kahor inta aan la keenin Garowe, diyaaradaha waxay muddo afar bilood ah yaaleen madaarka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho," ayay tibaaxeen qaar kamid ah illo wareedyadda.

Sida laga soo xigtey dadka la socda qadiyadda, mudadii ay yaaleen Muqdisho waxaa lala sugayey in qaab kiro ahaan ula wareegaan ganacsato "balse aysan marnaba dhicin arrinkaas".

"Kahor Soomaaliya, dal ku yaala Afrika ayay muddo yaaleen diyaaradaha waana sababta ugu weyn ee dowladda Puntland ay uga shakisay," ayay xuseen saraakiisha amni ee baaritaanka qeybta ka ah.

Warar dheeri ah oo Garowe Online ayaa sheegaya in diyaaradahan ay ku socdaan dalka Pakistan ayna keensadeen shirkado fadhigoodu Garowe yahay isla markaana ay samaynayeen kala badal shaqaale.

Garoomada diyaaradaha Puntland ayaa kamid ah kuwa ugu amniga badan Soomaaliya. Balse, ma aysan helin wax horumarin mudada ay jirto xukuumada madaxwayne Deni oo ku mashquushay siyaasadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM