Maxay tahay sababta uu isku-casiley Gudoomiyihii TPEC?

Image

GAROWE, Puntland - Gudoomiyihii Gudiga KMG ee doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax ayaa ku dhawaaqey Maanta inuu xilkii iska-casiley.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku shaaciyay go'aankiisa, isagoo u sababeeyay duruufo soo wajahey, oo uusan la wadaagin bulshadda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo xubnaha Gudiga TPEC ayuu Guuleed sheegay inuu la wadeegay is-casilaadiisa.

Guuleed ayaa mudo labo sano iyo bar gudoomiye ka ahaa TPEC, oo shaqadeedu tahay inay Puntland ka qabato doorashooyinka Golayaasha degaanka, si nidaamka dimuqraadiga loogu gudbo.

May be an image of 1 person and text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM