Muuse Biixi oo go'aan kasoo saarey dadka gala siyaasadda Soomaaliya

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta soo saarey qoraal uu ku sheegay in loo aqoonsan doono qaa'inul wadan qofkii aada Muqdisho, oo gala siyaasadda Koonfurta Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka maamulkiisa, si waafaqsan Go’aanka labada Gole ee 01/02/2012, kuna taariikhaysan 05/02/2012.

Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu Xukun Maxkamadeed ku dhicin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM