Muuse Biixi oo go'aan kasoo saarey dadka gala siyaasadda Soomaaliya

Image

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta soo saarey qoraal uu ku sheegay in loo aqoonsan doono qaa'inul wadan qofkii aada Muqdisho, oo gala siyaasadda Koonfurta Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Xukuumadda oo kaliya ayaa ka qayb gali karta shirarka ay ku kulmayaan Somaliland iyo Soomaaliya, ee loo arko in ay dani ku jirto ee aan ka hor imanaynin jiritaanka Qarannimada iyo Dastuurka maamulkiisa, si waafaqsan Go’aanka labada Gole ee 01/02/2012, kuna taariikhaysan 05/02/2012.

Qof kasta oo ka qayb-gala arrimaha siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Go’aanka Labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, lagama aqbali doono cafis ka hor inta aan la horgaynin Maxkamadda awoodda u leh oo aanu Xukun Maxkamadeed ku dhicin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM