PUNSAA oo war kasoo saartey natiijadda lagu muransan yahay ee Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Dallada Ururada Bulshadda Rayidka ee Puntland [PUNSAA], ayaa Maanta oo Sabti ah waxay soo saartey qoraal ay ku bogaadinayso doorashadii 25-kii Oct ka dhacday Puntland, taasoo natiijadeeda lagu muransan yahay.

PUNSAA ayaa iska indha-tirtay cabashadda Ururada siyaasadeed intooda badan ka keeneen doorashadda Gollayaasha degaanka ee ka dhacay Eyl, Ufeyn iyo Qardho, taasoo codadka lagu shubtay, iyadoo TPEC indha ka eeganayso.

Waxay PUNSAA Maxkamadda Sare ee Puntland ku amaantay inay ansixisay natiijadda doorashadda TPEC usoo gubisay, iyadoo aan la eegin dhaliilaha iyo tabashooyinka saamileyda kale ee siyaasadda ay muujiyeen.

Ururada Horseed, IFIYE, Mustaqbal iyo Runta & Cadaaladda ayaa qoraal wadajir ah oo ay soo saareen Oct ku sheegay inay qaadaceen natiijadda TPEC shaacisay, iyagoo u sababeeyay hufnaan la'aan iyo cod-iibsi ka dhacay doorashadda.

PUNSA ayaa mudo-xileedka hogaankeeda hadda jooga ku ekaa 2019, iyadoo sida uu sharciga dallada dhigayo ahayd in labadii sano mar dhado doorashadda, balse aan la qaban, taasoo sharciyad-tireysa inuu ka hadlo arrimaha masiiriga Puntland.

Puntland waxay sugeysay doorasho qof iyo cod ah mudo 20 sano ah, iyadoo midii dhacday Oct 25 noqotay wax la aqbali waayay in geediga mudada dheer safarka kusoo jiray lagu furey meel aan ahayn halkii lagu sii jeeday.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM