Puntland: Al-Shabaab iyo Daacish oo ku dagaalamey buuraha G/Bari

Image

BOOSAASO, Puntland - Dagaal culus oo u dhaxeeya kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, ayaa ku dagaalamay shalay buuraha gobolka Bari, halkaasoo loolankooda uu ka socday tan iyo 2015.

Illo xog-ogaal ah ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in dagaalka uu yimid kadib markii Daacish ay weerar gaadmo ah ku qaadey fariisin ay Al-Shabaab ku leedahay aaga il-Cameyra, oo kamid ah buuraha Cal-Miskaad.

Wararka ayaa sheegay in labada dhinac dagaalka ay isaga dileen xubno badan, oo hogaamiyeyaal ku jiraan, inkastoo aan tirada wali la ogeyn, waxaana lagu soo waramayaa inay Al-Shabaab iska difaacdey weerarka.

Tan iyo markii 2015 Daacish lagu aas-aasay buuraha, waxaa sii xoogeysanayay loolanka labada kooxood u dhaxeeya, iyagoo dhowr jeer ku dagaalamay gobolka, oo dhinac kale ay howlgallo iyaga ka dhan ah kawadaan Ciidanka dowladda Puntland.

Al-Shabaab ayaa Daacish uga xoog badan gobolka Bari, maadaama uga soo horeysay, iyadoo labada kooxood ay khatar ku hayaan amniga Puntland, waxayna lacago baad ah ka qaadaan Ganacsiga Boosaaso, oo ah isha ugu weyn dhaqaalaha ka helaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM