Puntland: Arday toorey lagu dilay gudaha magaalada Garowe

Image
Baxsiga eedeysanaha ayaa imaanaya iyada oo Booliska Puntland lagu eedeeyay in ay ka mashquuleen xaaladda amniga.

GAROWE, Puntland - Caasimada dowladda Puntland ayaa habeenkii Jimcaha todobaadkii hore waxaa ka dhacay fal argagax leh kadib markii dil loogu geystay mid kamid ah ardayda wax ka barata Garowe.

Ardaygaan ayaa waxaa toorey ku dilay mid kale iyada oo markii hore la aqoonsan waayay isla markaana muddo saacado ah laga baafinayay baraha bulshada.

Saacado kadib ayay soo baxday in maamulka isbitaalka Carafaad oo la dhigay marxuumka meydkiisa ay aqoonsadeen.

Taliyaha qaybta Booliska gobalka Nugaal, Xuseen Cali Maxamuud oo shalay ka hadlay kiiska ayaa yiri: "Runtii waxaa xalay magaalada ka dhacay dil argagax leh kadib markii arday uu mid kale toorey ku dilay. Waxaa xiran waalidkiisa iyo walaalihiisa isagiina wuu baxsaday".

Baxsiga eedeysanaha ayaa imaanaya iyada oo Booliska Puntland lagu eedeeyay in ay ka mashquuleen xaaladda amniga isla markaana ay siyaasadda ku milmeen.

Dhawaan ayay ahayd markii ay cabtooy Garowe ku dhaawaceen, Cumar Maxamuud Xasan, oo ahaa Arday caafimaadka baranayay oo ka yimid dalka Suudaan kadib waddankaas ay ka dilaaceen colaadda sokeeye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM