Puntland: Baaritaanka kiis kufsi wadareed ah oo "la leexiyey"

Image
Garowe Online ayaa heshay nuqulo kamid ah warbixin ay CID-da kasoo saartey qadiyaddan.

GAROWE, Puntland - Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Kar-kaar ayaa bishii March, 2022 waxaa ka bilawday baaritaanka kiis kufsi wadareed ah oo uu eedeysane ka yahay hal nin kaasi oo lala xiriirinayo in uu tacadi muddo socdey uu kula kacayay saddex gabdhood oo da'doodu kala tahay 9-jir, 11-jir iyo 14-jir, sidda ay wararku sheegayaan.

Taliyaha CID gobolka Kar-kaar ee Puntland oo ah haweeney lagu magacaabo Fartuun ayaa sheegtay in baaritaan dhanka dheecaanada ah oo laga qaaday eedeysanaha ay u dirtay dalka Koonfur Afrika halkaasoo uu sheybaarka yaalo ayna jawaabta soo gaartey bishii lasoo dhaafay ee October sanadkan 2022-da.

Garowe Online ayaa ogaatay in taliyaha CID gobalka Karkaar ay kiiskaan kahor ugu yaraan 10 kiis kale usoo gudbisay shaybaarka danbiyadda ee Puntland oo xaruntiisu tahay Garowe. Lama ogga sabab ay u dooratay meelo ka baxsan Puntland.

Bishii October ayaa ayaa taliyaha CID gobolka Karkaar waxaa ay keentay warqad laba bog ka kooban oo Garowe Online uu helay taasi oo kasoo baxday Sheybaarka Danbiyada ee Muqdisho.

Natiijadda ayaa sheegaysa in uusan wax caddayn ah ku helin eedeysanaha dheecaanada laga qaaday. Wararka qaar ayaa tuhun gelinaya in warqadda aysan kasoo bixin booliska federaalka ayna tahay been abuur.

Gabdhaha dhibanayaasha ah oo Garowe la keenay ayaa la sheegay in wali aan laga qaadin wax dheecaano ah. "Tani waxay kor u qadeysaa tuhunka waxaana sidoo kale Qardho isaga kala dambeeyay bilihii u dhaxeeyay mudadaas mas'uuliyiinta wasaaradaha Cadaalada iyo Haweenka," ayay sheegeen illo wareedyo kala duwan.

Todobaadkii lasoo dhaafay, shirka Golaha wasiirada Puntland ayaa guddi ka kooban wasiirada Caafimaadka, Cadaalada iyo Haweenka u saaray in ay kasoo gun-gaarida kiiskaan.

Warbixinada qaar ayaa xusaya in xaaladda caafimaad ee mid kamid ah gabdhaha ay aad u liidato ayna kasii dartey todobaadyadii ugu dambeysay maadaama ay tahay gabar la nool eedadeed oo aabaheed xaaskiisa ah isla markaana ay labadeeda waalid horey u kala tageen.

Macluumaadkan dheeraad ah uu GO helay ayaa haatan banaanka usoo baxaya iyadda oo xalay Wasiirada Haweenka Puntland Naciimo Cabdiraxmaan Guuleed ay sheegtay in kiiska gabdhahaan baaritaankiisa la leexiyay. Hase ahaatee, waxay afkeeda ka dhowrtey in ay farta ku fiiqdo shaqsiyaadka ku lugta leh iyo qaabka la isku dabamariyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM