Puntland: Casriyeynta Bangiyadda oo la bogaadiyey

Image
Image
Image
Image
Image
Dowladda ayaa hore u qaadatay siyaasad furfuran oo lagu dhiirrigelinayo maalgashiga, fududeyn culaysyada iyo waxkasta oo Caqabad ku ah maalgashiga.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ka qeybgalay munaasabadda bandhigga adeegyada cusub ee Banggiga (SOMBANK).

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dardargelinta iyo casriyeynta adeegyada Banggiga SOMBANK, iyo muhiimada ay leedahay in Ganacsatada Soomaaliyeed dalkooda maalgashtaan.

Xafiiska Deni ayaa yiri: "Dowladda Puntland ayaa hore u qaadatay siyaasad furfuran oo lagu dhiirrigelinayo maalgashiga, fududeyn culaysyada iyo waxkasta oo Caqabad ku ah maalgashiga".

Tani ayaa bud-dhig u ah in Ganacsato badan kusoo dhiirato, waxaana qorshahaasi sidoo kale qeyb weyn ku leh Banggiga Dhexe ee Dowladda oo hab casri ah looga shaqeysiiyay una diyaarsan damaanad qaadka maalgashiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM