Puntland: Daacish oo weerar ku qaadey saldhig ciidan

Image
Dhawr bil kahor ayay ahayd markii dabley hubeysan ay dileen gudoomiyaha degmada Bali-dhidin.

BOOSAASO, Puntland - Degmada Bali-dhidin ee gobalka Bari ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa la weeraray saldhig ciidanka Puntland ay halkaasi ku leeyihiin iyada oo uu weerarka ka dhashay khasaare kala duwan.

Taliyaha qaybta booliska gobalka Bari ee Puntland, Cabdulqaadir Jaamac Dirir oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa sheegay in kooxda Daacish ay ka dambeysay weerarkaas.

"Weerarka waxaa soo qaaday kooxda Daacish. Ciidanka waxaa ka shahiiday hal askari, dhinacooda hal nin oo aan u malaynayo in uu ajnabi yahay ayaa kaga dhintay," ayuu yiri.

Waxa uu intaas raaciyey hadalkiisa: "Ninku wuxuu wataa qalabka miino baarka". Hase ahaatee, taliyaha ma shaacin magaca sarkaalkaas iyo waddanka uu kso jeedo.

Dagaalka ayaa markii hore bilawday lix saac oo habeenimo iyada oo taliyuhu sheegay in Daacish ay soo rogaal celiyeen mar labaad isla markaana la isla gaaray 03:00 AM ee xiliga danbe.

Dhawr bil kahor ayay ahayd markii dabley hubeysan ay dileen gudoomiyaha degmada Bali-dhidin, Mohamed Ahmed Muumin. Xubnaha ISIL ayaa waxay ku dhuumaaleystaan degaanada buuraleyda ah ee gobolka Bari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Maalgelinaysa Mashruuc AfDB oo ay Siyaasadeysay Villa Somalia

Tallaabadan ayaa timid ka dib codsi kasoo baxay bulshada gobolka Mudug, kuwaas …

  • Puntland

    04-07-2025

  • 02:22PM

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM