Puntland: Dacwad lagu soo oogay ganacsato "canshuur diid ah"

Image
Image
Image
Wasaaradda maaliyadda dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqdey in ay gudbisay dacwaddan.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ayaa waxay shaaca ka dhigtey in ay dacwad ku soo oogtay ganacsto ka dhaga adaygtay bixinta cashuuraha iibka.

Dacwadan ayaa, sidda u xusan bayaanka wasaaradda, waxaa gudbiyay Guddiga kor u qaadista iyo dardar gelinta dakhliga cashuuraha Wasaaradda waxana loo gud biyay Xeer ilaanta.

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed Faarax ayaa sheegay in xafiiska Xeer Ilaalinta ay soo gaartay meherado ganacsi oo diiday iney qaadaan cashuurta ku waajibtay.

Wuxuu sheegay in lafo-gurid dheer kaddib la isku raacay in la hirgeliyo heshiiska markii hore ay wada gaareen Wasaaradda Maaliyadda iyo ganacsatada meheradaha.

Maxamed Xareed Faarax oo hadalkiisa sii wata ayaa la sheegay in uu ugu baaqay ganacsatada iney bixiyaan cashuurta ku waajibtay iyaga iyo ganacsigooda.

“Haddaba dhammaan ganacsatadaa meheradaha derajo kasto oo ay yihiin waa iney bixiyaan cashuurta ku waajibtay iyaga iyo cashuurta ganacsigooda ku waajibtay, waayo cashuurtu waa waa jib in la bixiyo," ayuu yiri

Cidii bixin weyda cashuurta ayuu ku tilmaamay cid dafirtay jiritaanka Dowladda Puntland , si kastoo tahayna muwaadinka looga baahan yahay in uu cashuurta bixiyo.

Guddiga kor u qaadista iyo dardar gelinta dakhliga cashuuraha Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegay in ay sii wada doonaan dacwadan tan iyo inta ay cashuurta ka bixinayaan ganacsatadu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM