Puntland: Dangorayo oo laga diiday "diiwaan-gelinta hubeysan"

Image
Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa dhawaan Garowe si dhuumaalaysi ah uga saaray agabka.

GAROWE, Puntland - Bulshada magaalada Dangorayo ee gobalka Nugaal ayaa ka hor yimid diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ee doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Puntland.

Odayaasha, Haweenka, Waxgaradka iyo dhalinyarada degmadan oo warbaahinta halkaasi kula hadlay ayaa sheegay in Dangorayo aan la keenin wax ay wadato "cid dano guracan leh".

Guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa dhawaan Garowe si dhuumaalaysi ah uga saaray agabka diiwaan-gelinta doorashada iyada oo aysan ogayn xubnihii loo tababaray diiwaan-gelinta.

TPEC ayaa agabka diiwaan-gelinta oo ay galbinayaan ciidamo iyo gaadiid waxaa ay gaysay degmooyinka Burtinle iyo Dangorayo ee gobalka Nugaal iyada oo doonaysa in halkaasi laga bilaabo maalinta bari ah.

Sidoo kale, degaanka Dalsan ee degmada Dangorayo waxgarad iyo odayaal halkaasi shir jaraa'id ku qabtay ayaa xusay in aan gebi ahaanba laga qaban karin degmada Dangorayo doorasho ay "bulsho gaar ah madaxa ku sidato".

Dangorayo ayaa odayaashu sheegayaan in laga hayaamay iyada oo reer guuraagi ay naq raaceen isla markaana laga diiwaan-geliyay gobalada Bari iyo Karkaar halkaasoo madmadow uu kasoo shir-baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM