Puntland: Diiwaan-gelin hubeysan iyo firaaq dastuuri oo laga digay

Image
Siyaasiyiin madal uga dhawaaqay Garowe ayaa si adag u eedeeyay xukuumadda madaxwayne Saciid Deni.

GAROWE, Puntland - Madasha Siyaasiyiinta Puntland ayaa looga dhawaaqay magaaladda Garowe. Musharaxiintan madaxwayne ayaa xukuumadda Deni ku eedeeyay "marin-habaabinta" iyo "leexinta" dhabaha dimuqraadiyada.

Talaabadan ayay ka digeen in ay keento firaaq dastuuri ah. "Diiwaan-gelinta hubeysan" ayay dalbadeen in la joojiyo. Beesha Caalamka ayay ku waaniyeen "in aysan taageerin geedi-socod horseeda xasilooni daro".

Mar ay ka hadlayeen xaaladda Laascaanood ayay sheegeen "Madashu waxy canbaaraynaysaa xasuuga lagu hayo shacabka magaalada Laasaanood o maamulka Somaliland si xoog ah ku haysto".

"Madashu waxay ka tacsiyeynaysaa dada sida arxan darrada ah magaalada loogu laynayo. Madashu waxy ugu baaqaysaa xukuumadda iyo shacabka Puntland in ay garab istaagaan kacdoonka shacabka reer Sool," ayay raaciyeen.

Iyaga oo farin u diraya xukuumadda Deni ayay tibaaxeen "Waa in Xukuumadda Madaxweyne Saiid Cabdullahi Deni aysan horseedin qalalaase iyo firaaq dastuuri ah oo Puntland ka dhaca, lagana fogaado waxkasta o horseedi kara hubanti la'aan siyaasadeed".

Xilli ay la dardaarmayeen Beesha Caalamka ayay caddeeyeen "Madashu iyada o bogaadinaysa taageerada deeq-bixiyayaasha, hadana waxay ka digaysaa in aysan qeyb ka nogon hannaan doorasho xasilooni darro abuuri kara".

Dhawaqa siyaasiyiintan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli Deni uu shalay warbaahinta kula hadlay Garowe isla markaana uu muujiyey in uusan diyaar u ahayn doorasho la isla ogol-yahay iyo in uu awood ku fulin doono dantiisa gaarka.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA SIYAASIYIINTA

No photo description available.

May be an image of text

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM