Puntland: Codeynta dowladaha hoose oo la mudeeyay

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa wuxuu maanta shaaciyay xiliga rasmiga ah ee ay dhacayso doorashooyinka horudhaca ah ee degmooyinka kala ah. Eyl, Qardho iyo Ufayn.

"Guddiga markii uu (1) La tashaday Dawladda, Ururada Siyaasadda, Ururada Bulshada Rayidka ah (2) Iswaafejiyay jadwalka iyo xeerarka doorashada (3) Tixgeliyay jadwalka doorashada federaalka (4) Tixgeliyay xilli roobaadka, waxaa la go’aamiyay in doorashadu ka qabsoonto 3daas degmo maalinta Isniinta ah ee 25 October 2021," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga.

Guddoomiyaha guddiga, Guuleed Saalax Barre oo ku dhawaaqay xilliga ay bilaabaneyso coddeynta, ayaa daaha ka rogay in sidoo kale uu jiri doono jadwal kale oo ay soo saari doonan.

"Waxaa jiri doona jadwal ay ku cadahay maalintaas waxa ka horeeya oo la qaban doono oo qeyb ururada laga rabo, qeyb dowlada laga rabo, iyo qeyb laga rabo guddiga. Ayaga oo fahfaahsan ayaa soo bixi doona," ayuu yiri.

Sida laga soo xigtay Guuleed, arrimaha kale ee ay tixgeliyeen kahor shaacinta waqtigan doorashada waxaa kamid ah in aysan ku beegmin coddeynta federaalka oo dhaceysa 10-ka October.

"Waxaan sidoo kale tixgelinay xili-roobaadka maadaama inta badan dadkeenu ay yihiin reer guuraa," ayuu raaciyey Guuleed oo rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashadu si hufan ku dhacdo.

Doorashadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay nooceeda oo qof iyo cod ah oo ka qabsoonta degaanada Puntland, waxaana ay soo afjareysaa nidaamka qabiilka 4.5 oo maamulkan in badan ku dhaqmayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM