Puntland: Gudoomiye ku-xigeenka TPEC oo is-casiley

Image

GAROWE, Puntland - Waxaa is-casiley gudoomiye ku-xigeenkii Gudiga Jaamac Xirsi Faarax, waxaana go'aankiisa uu yimid saacado kadib markii tallaabadan oo kale qaadey Guuleed Faarax, oo gudoomiye u ahaa mudo labo sano iyo bar TPEC.

Gudoomiye ku-xigeenka ayaa is-casilaadiisa u sababeeyay arrimaha isaga u gaar ah, wuxuuna ku wargeliyay Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland, Madaxweyne Deni iyo Gudoomiyaha TPEC, oo isna shaqada ka tagey.

Lama oga waxa keenay in hal maalin ay is-casilaan labadii shaqsi ee ugu sareysay hogaanka TPEC, oo mudooyinkii dambe howlo shaqo kawadey dalka iyo dibadda kadib doorashadii gollaha degaanka ee October 25.

Puntland ayaa mudo sanado badan ka shaqeynaysay hanaan ay ugu gudbayso nidaamka xisbiyadda badan, oo madaxda lagu soo dooranayo sanduuqa, oo shacabka u codeynayaan qofka ay doonayaan inuu hogaamiyo.

Image

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM