Puntland: Hogaan cusub oo loo magacaabay hay'adda jidadka

Image
Cabdifitaax ayaa ah xoghayaha Guud ee urur-siyaasadeedka mucaaridka ah ee Mustaqbal.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne  Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee November 29, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka ee Dowladda Puntland.

Sida ku xusan wareegtadda oo lagu daabacay ciwaanka madaxtooyada ee Facebook-ga, waxaa Cabdifataax Maxamed Sugulle loo magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 47 ee November 29, 2021 kuna Saabsan Magacaabid Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdifataax Maxamed Sugulle loo magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna Saxiixay.

DHAMMAAD


Cabdifitaax ayaa ah xoghayaha Guud ee urur-siyaasadeedka mucaaridka ah ee Mustaqbal. Ururkan wuxuu kamid yahay darafyadda siyaasadda ee natiijooyinka wanaagsan kasoo hooyey doorashooyinkii dhowaan qabsoomay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM