Puntland iyo Itoobiya oo xoojinaya iskaashiga ammaanka

Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa galabta Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay safiirka cusub ee Itoobiya u soo dirsatay Soomaaliya, Cabdifataax Cabdullaahi Xasan, iyo wafdi sare uu horkacayo.

Siciid Cabdullaahi Deni oo wafdiga la yeeshay wadahadalo diiran ayaa kulanka waxaa ku wehliyey wasiiro ka tirsan xukuumadiisa, iyada oo dhinacyada ay si wadajir ah si shir jaraa'id u qabteen kadib wadaxaajoodyada.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu soo bandhigay fahfaahin horudhac ah oo muujineysa qodobada ay darafyada xooga saareen mudadii uu kulankoodan gaarka ah uu socdey.

"Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan sidii loo sii  horumarin lahaa  xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya Puntland iyo Itoobiya, sida dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Horumarka," ayaa lagu yiri qoraalka.

Deni oo la hadlay shirka jaraa'id ayaa danjiraha uga mahadceliyey in Puntland uu u xushay degaanka u horeeyo ee uu tago marka laga soo tago magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho oo uu kusoo degay.

Dhankiisa, danjire Xasan oo shacabka Puntland ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen dowladnimada sanadihii lasoo dhaafay ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay.

"Xiriir marka aan leenahay waa mid khuseeya dhanka nabad-gelyada oo iskaashi ballaaran aan ka sameyno isla markaana aan u baahanahay in aan sii xoojino," ayuu diblumaasiga Addis Ababa ka dhawaajiyey.

Sida laga soo xigtay safiirka, xukuumadda Deni ayaa si weyn waxay.u muujisay sida ay u quudareyneyso in ay sii karaarsiiyo cilaaqaadka ay la leedahay Itoobiya iyadda oo

"Sidaasi si lamid ah waxaa jira xiriir dhanka dhaqaalaha ah oo bilow fiican laga sameeyay dhinacaas taas oo iyadana ku timid hogaaminta wanaagsan iyo ka go'anaanshiyaha madaxwayne Deni iyo maamulkiisa," ayuu raaciyey.

Puntland ayaa kamid ah maamulada xubinta ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee xuduuda dheer la leh Itoobiya, waana mid kamid ah sababaha muhiimka ka dhigeysa in ay yeeshaan iskaashi dhinacyo kala duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM