Puntland: Yabooh loo sameeyay arday gashay kaalinta hore

Image

GAROWE, Puntland - Wasaaradda Tacliinta dowladda Puntland ayaa waxay shaacisay tobbanka arday ee kaalmaha hore ka gashay imtixaanka fasalka 12aad ee dugsiyada sare sanad dugsiyeedka 2021-ka.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa hambalyo u diray Ardeyda Dugsiyada Sare ee Puntland gaar ahaan kuwooda kaalmaha hore galay.

“Hambalyo guud ahaan  ardayda reer Puntland ee Sannadkan ka gudubtay Fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare, gaar ahaan 10-ka Arday ee kaalmaha hore ka galay Imtixaanka," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Dowladdu waxay dadaal gelisay sidii ardaydeedu ku heli lahaayeen Imtixaan siman oo si cadaalad ah loo diyaarshay,loona qaaday, iyada oo la raacayo Manhajka Waxabarasho ee u degsan".

"Sidoo kale Dowladda waxaa ka go'an in ardaydan ay uraadiso deeqo waxbarasho oo gudaha iyo dalka dibaddiisaba ah si kor loogu qaado tayadooda iyo hankooda waxbarasho," ayuu xusay.

Karaash oo isla maanta guddoomiyey shirka golaha xukuumadda dowladda Puntland ayaa hadalkiisa wuxuu kusoo gabagabeeyay: "Guul baan u rajaynayaa iyo Mustaqbal wanaagsan".

Shirka Golaha Wariirada Puntland ayaa todobaadkan waxaa looga hadlay arimo ay ku jiraan Amniga, Maamul Wanaaga, Xaalada Degmooyinka iyo Dhismaha goleyaasha deegaanka ee Puntland iyo qodobo kale".

Hoos ka akhriso liiska tobbanka arday

No photo description available.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM