Puntland oo ciidano boolis ah ku daabushay Badhan

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa waxay ciidamo boolis ah oo si gaar ah u tababaran kana hortaga khataraha dhanka nabad-gelyada waxay ku daabushay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Taliska booliska dowlada Puntland oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook ayaa hoosta kxariiqay in ciidamaddan ay u dhameystiran yihiin agabkooda iyo gaadiidkooda.

"Cutubyo ka tirsan ciidamadda Booliska Dowladda Puntland oo tababaran islamarkaana agabkoodu u dhameystiran yahay ayaa lagu guulaystay in la geeyo magaalada Badhan si ay u sugaan amniga degmada iyo guud ahaan Gobolka," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Taliska Ciidanka Booliska Dowladda Puntland  wuxuu ku baraarujinayaa bulshada Badhan iyo guud ahaan Gobolka Sanaag inay si dhow ula shaqeeyaan Ciidanka nabadgalyadda".

"Si gaar ah waxaa u mahadcelinaynaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni iyo guddiga dib u dhiska ciidamadda oo dadaal dheeri ah ku bixiyey xasilinta siyaasadda Gobolka,tayeynta ciidamada iyo dhismaha xarumaha hay’addaha dowladda,taasi oo maanta miraheedii la hayo," ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Afhayeenka madaxtooyada dowlada Puntland, Jaamac Dabraani, ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamadan ay qeyb ka noqonayaan sugitaanka ammaanka doorashooyinka dowladaha hoose.

"Dowladda Puntland waxay magaalada Badhan geysay Ciidamo Booliis ah oo tababaran agabkooduna u dhameystiranyahay, si ay u sugaan amniga degmada iyo guud ahaan Gobolka. Bulshada magaaladda Badhan iyo guud ahaan Gobolka Sanaag waxaan ka rajeynaynaa inay si dhow ula shaqeeyaan Ciidamada," ayuu ka dhawaajiyey.

Wuxuu kusoo xiray: "Waxaan u mahadcelinaya Madaxweyne Deni oo dadaal ku bixiyey xasilinta siyaasadda Gobolka, tayeynta ciidamada iyo dhismaha xarumaha hay’addaha dowladda, taasi oo maanta miraheedii la hayo".

Puntland oo ka gudbeysa nidaamka qabiilka ee 4.5 ayaa noqoneysa maamulkii ugu horeeyay ee xubin ka ah federaalka Soomaaliya ee ka hirgeliya degaanadiisa doorashooyin daahfuran oo dadku coddeynayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM