Puntland oo dil toogasho ku fulisay 21 ka tirsanaa Al-Shabaab

Image

GAROWE, Puntland - Dowladda Puntland ayaa Axada maanta ah waxay dil toogasho ku fulisay 21 maleyshiyo oo ka tirsanaa ururka AlShabaab kuwaas oo ay xukuno ku riday maxkamadda ciidamadda qalabka sida.

Sida ay Garowe Online u sheegeen saraakiil si dhow ula socota maxkamadeynta, 18 kamid ah waxaa lagu toogtay Gaalkacyo, 2 gudaha Garowe, halka  mid kale lagu toogtay magaaladda Qardho.

Shaqsiyaadkan ayaa lagu helay in ay xarunta gobolka Mudug ay ku khaarijiyeen odayaal dhaqameedyo, mas'uuliyiin dowladeed, dhalinyarro, wariyeyaal, saraakiil ciidan iyo xubno muhiim u ahaa dadweynaha.

Waa tiradii ugu dambeysay ee dowladda Puntland ama guud ahaan Soomaaliya si wadar ah xukuno dil toogasho ah loogu fuliyo dagaalameyaal ka tirsan kooxda gacansaarka la leh shabakadda hubeysan ee Al-Qaacida.

"Galkacyo maanta waxaa u baryey waa cusub,waxaana xusid mudan in Argagaxiso meel ay joogtaba maanta gabalkoodu dhacey," ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Facebook ee barnaamijka AF-MEER oo dowladda Puntland u hirgelisay kasoo waramida maxkamadeynta shaqsiyaadkan.

Bishan June 14-keeda ayay ahayd markii maxkamada ciidamada Puntland ay xukunka ka dambeysta ah ee dilka toogashada ay ku riday shaqsiyaadkan taasoo ka dambeysay saddex asbuuc oo dood rafcaan ah.

Shabakadan oo lagu waramay in ay Al-Shabaab uga howlgalayeen magaalada Gaalkacyo tan iyo 2002-dii ayaa la sheegay in ay ka dambeyeen wadar ahaan 300 qofood oo siyaabo kala duwan loogu khaarijiyey Gaalkacyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM