Puntland oo guulo ka sheegatay howlgal ka dhan ah Daacish

Image

GAROWE, Puntland - Ciidamada dowladda Puntland ayaa maleyshiyada Daacish ka saarey saldhig ay ku lahaayeen degaanka Timirshe, sida ay xaqiijiyeen saraakiil magacyadoodda ka gaabsadey.

Saraakiisha ayaa intaas ku daray in la wareegida xeradan iyo tuuladan ay muhiim u tahay ololaha la dagaalanka kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaaleysta degaanada buuraleyda ah.

Sida laga soo xigtey mas'uuliyiin, afar dagaalame oo ka tirsan Daacish ayaa lagu khaarijiyey dagaalka, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen laba kamid ah ciidamadda ammaanka dowlada Puntland.

Taliska ciidamadda gaarka ah ee Puntland ee PSF ayaa daaha ka rogay in dadka degaanka ay door wanaagsan ka cayaareen soo afjarida maleyshiyadda ISIL ee ku sugnaa degaanadaas.

Dhanka kale, qoraal kale oo kasoo baxay taliska ciidanka PMPF-ta ayaa lagu adkeeyay in ay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Daacish ee ay ka fulinayaan buuraleyda Calmadow.

"Ciidamada PMPF oo kaashanaya ciidamada kale ee Dowladda Puntland waxay si joogto ah hawlgallo dhaxalgal ah oo wakhti walba ah ka fuliyaan buuralayda Calmadaw, kaasi oo lagu bartilmaameedsanaayo Argagixisada Daacish firxadkooda ku dhuunta buuralaydaasi," ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Firaaqo iyo inay ledaan yay u diidaan, waxay guure, saqdhexe iyo salaadda horeba ku waabariistaan goobahooda tiradayar ee ay ku dhuumaalaystaan. Jab iyo ba' ba'an yay kala kulmaan markasta cadawgu ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland".

Daacish iyo Al-Shabaab ayaa ku dhuumaaleysta degaanada buuraleyda ee Puntland halkaasoo ay haatan ku wajahayaan cadaadis kaga imaanaya ciidamadda ammaanka kordhiyey baacsiga xagjiriinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM